Tuesday 16 February 2010

Duqa Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud oo u Waramay RBC Radio (Dhageyso)

  Dhuusamareeb, (RBC Radio) Duqa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud Maxamuud Nuur Cantoobo ayaa wareysi uu siiyey RBC Radio kaga warbixiyey xaalada amaanka iyo mida nolosha ee degmada guud ahaan. Maxamuud Nuur Cantoobo wuxuu RBC Radio u sheegay in hadda uu cudurka shubanku ka dilaacay degmooyin ka tirsan gobolka oo ay ku jirto magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay inaysan jirin wax gurmad ah oo illaa hadda dadka loo sameeyey.
AMA
Wuxuu sheegay in dad badan ay u barakeceen degaano ku yaalla xuduuda Ethiopia sida degmada Balambale abaarta darteed. Wuxuuna gudoomiyuhu ugu baaqay hay’adaha samafalka inay gargaar la soo gaaraan dadka ay abaartu saameysay.
Dhinaca amaanka oo gudoomiyuhu ka warbixiyey ayaa waxaa uu sheegay in hadda amaanku wanaagsan yahay, wuxuuna xusay in dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay degmada ay sababeen khasaare dadka degaanka soo gaartay, hase yeeshee xaaladu ay hadda wanaagsan tahay.
Wuxuu intaa ku daray baaq uu u diray dhinacyada ku dagaalamaya dalka gaar ahaan dadka ku dhashay gobolka Galgaduud si loo badbaadiyo dadka rayidka.
Wuxuu sheegay in dagaalku uu sababo oo kaliya dhimasho, dhaawac iyo barakac oo uusan lahayn faa’iido kale.
Gudoomiyaha degmada Dhuusamareeb Maxamuud Nuur Cantoobo wuxuu ka sheekeeyey taariikhda magaalada isagoo xusay in magaaladu ay xarun u ahaan jirtay ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed ka hor burburkii dowlada dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii.
Cabdi Jamaal Macalin Axmed
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...