Friday 7 May 2010

Shirkii Cadaadleey oo si habsami ah usocda iyo qodobo la isku afgartay(Daawo Sawirada)




Waxaa manta u furmay shir waynihii ay yeesheen UWSLF Golihiisa Shuurada,Golihiisa Dhexe,Taageerayaashooda Jaaliyadaha Qurbaha ka yimid iyo Ciidankooguba.
Kulan kan ayaa waxa uu furmay 8:00 Subaxnimo ee maanta kaas oo ahaa kulankii 31aad ee Golaha Ururkani uu yeesho, ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee Dawlada Deegaanka Soomaalida ka qabsooma khasatan Dagmada Cadaadlay ee Gobolka Goday.
Shirwaynahan Ururkan oo ay kasoo qayb galeen in kabadan 300 oo qof ayaa waxa qudbad ku furay Gudoomiyaha Ururka UWSLF Sheekh Ibrahim Cabdala,kadibna cadeeyay in uu shirku furan yahay kuna soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Shuurada oo isla mar ahaantaasi Shir Gudoominayay shirkaasi
Hadaba mar uu ka hadlay shirkaasi wuxuu si qoto dheer uga sheekeeyay mar xaladihii hore ee uu ururku soo maray waxaanuu carabka ku dhuftay in ay maanta ogaadeen xaqiiqada dhabta ah ee Deegaankooga ka jirta kadibna ay nabada door bideen.
Ugu danbayntiina masuulku wuxuu intaasi ku daray in ay hada tahay xiligii ay deegaankoga kala qayb qaadan lahaayeen hawlaha Nabad-Galyada Horumarka iyo Maamulka suuban ee ka taabo galay deegaankooga maantana ay ku arin sanayaan gudaha Deegaankooga.

Hadaba wax yar ka hor ayaa golaha dhexe oo UWSLF ay ansixiyeen hishiiskii nabadagalyada ee ay horay ula sixiixdeen dawlada itoobiya, waxaana amniga sugaya ciidamada UWSLF oo heegan sare ku jira kuwaas oo lagu arkayo jidadka magaalada iyo hareeraha goobta shirku ka socdo iyagoo cumaamad madaxa ku sita.
Shirkan ayaa waxaa uu soconayaa sida ay noo xaqiijiyeen qaar katirsan ururkaasi mudo sadex bari ah idiinkuna so gudbin doono talaabo talaabo hadba warbixinada xaqiiqada ah ee ku saabsan shirkan madasha nabada, oo ah halka aan warkan idinka soo tabinayo.

Abdi mohumed
Godey
Somligalbeed

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...