Jabuuti (RBC) Waxaa heer gabagabo ah maraya ololaha doorashada madaxtinimada ee wadanka Jabuuti taasoo la filayo in maalinta Jimcaha ee 8-da bisha loo dareero guud ahaan wadanka.
Doorashadan oo ay ku tartamayaan labada musharax ee kala ah Issmaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweynaha hadda xilka haya iyo Maxamed Warsame Raage oo ah musharaxa madax bannaan ayaa la rajeynayaa in guud ahaan ay qabsoonto Jimcaha fooda inagu soo haya, waxaana si weyn loo dareemayaa diyaargarow ku aadan doorashada.
Guddiga doorashada wadanka Jabuuti ayaa shaaciyey in dad ka badan 150-kun oo diiwaangashan ay ka qeybgalayaan codeynta iyadoo guddigu sheegay in la rajeynayo dad fara badan inay codkooda dhiibtaan oo ay fursad u heli doonaan.
Musharaxiinta labada ah ayaa ku guda jira gabagabada ololaha doorashada waxayna khudbado iyo barnaamijyo ka wadaan guud ahaan gobolada kala duwan ee Jabuuti.
Wasaarada arimaha gudaha ayaa sheegtay in amniga uu fiican yahay oo aysan jirin wax dhibaato ah oo hadda jirta isla markaana ciidamada boolisku ay hawl adag qaban doonaan dhowrka maalmood ee soo aadan.Sii Akhri
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
No comments:
Post a Comment