Saturday 3 September 2011

Ma Carruurta Muqdisho Ha Iska Le’ataa?!

Wq. Maxamed Baashe X. Xasan
September 02, 2011

Sheekh Aadan Siiro
Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray
"Sh. Adan Siiro"
Dawladda iyo shacbigaba waxa uu ku halgaad-tuurayaa warmo jiidanaya eebooyin wada sun iyo waabay miidhan ah. Sheekh Aadan Siiro, isaga oo kula hadlaya  boqollaal qof magaalada Hargeysa fagaaraha ku yaalla ee Xawaadle maalintii Iiddii Fitriga, ayaa waxa uu weedho cadho iyo canbaari hor socdaan ku weeraray dadka ku hawllan Somaliland gudaheeda in looga gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay tabaaleeyeen labadii is-raacooda laga ducaysan jirey: Col iyo Abaaro; naafeeyey meelo badan oo ka mid ah Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Hawlahaas beni-aadannimo oo caalamka oo dhan looga oogsaday, lagana jiifi waayey uur-ku-taallooyinkooda, ayaa gaar  ahaan waxa uu wadaadku ku cambaareeyey xukuumadda talada haysa ee Axmed Siilaanyo, isaga oo ku tilmaamaya in tallaabadaasi ka mid tahay doc-faruur badan oo beryahan lagu wadey buu yidhi “qaddiyaddii gooni isutaagga Somaliland”!

Hadalladii wadaadka waxa kale oo ka mid ahaa : “Meel u jirta madaxtooyada Somaliland 300m (oo ah buu yidhi Cusbitaalka Waallida ee Hargeysa), injir baa dadka ka dareeraysa oo waxba looma qabto, Soomaali kumannaan KM meel Hargeysa u jirta ku gaajoonaysana caawimaa loo dirayaa”!

Anisa Osman waa gabadh yar oo ka mid ah carruurta Muqdisho ku Tabaalaysan
Abaarta ku habsatay koonfurta Soomaaliya waxa ay gaar ahaan si ba'an u waxyeellaysay carruurta, waayeelka iyo dadka kale ee jilicsan
Waa xaqiiqo aan ku raacsanahay Sheekh Aadan Siiro in saboolnimo baahsan iyo macaluuliba ka jiraan Somaliland gudaheeda iyo gaar ahaan caasimadda Hargeysa obocdeeda iyo madaxtooyada agagaarkeedaba. Waa sax in xukuumadda jirtaa ay arrintaas la tacaasho, waxna ka qabato. Hase yeeshee waxa aan wadaadka si togan ugaga soo horjeedaa is-barbardhiggiisa taban ee labada xaaladood (Saboolnimada Hargeysa iyo le’ashada carruurta Soomaaliyeed ee Muqdisho, Jawhar, Jamaame, Jilib, Bakool ama Baydhabo iyo intii la halmaasha iyo deedafayntiisa nac weynidu ka buuxdo ee uu kaga horjeedo hawlaha Hargeysi ugu gurmanayso ka qayb qaadashada ugu yaraan in la badbaadiyo in ka mid ah dadkaas abaaraha iyo colaaduhu isu gees iyo gafuureen ee ay galaafanayaan.
Soomaalidaa ku maahmaahda “ Haddii ay fooli timaaddo, gudo qarsi hadh-dhan”. Dhiillada iyo qaylo-dhaantu ma aha saboolnimo iyo daruufo dhaqaale xumo ee waa le’asho iyo u dhimasho macaluuleed. Waa dabar go’ ummadeed! Maalin kasta waxa qabriga loo sii walwaalaa boqollaal carruur u badan oo Soomaali ah. Saacad kasta waxaa gaajo, nafaqo la’aan, harraad iyo cudurro ka dhashay xaaladahaas u qudh baxa tobannaan qof oo maati iyo dhallaan u badan. Tani ma'aha tii hadal lagu dawayn jirey. Waa tii wixii la helaba loo fidin lahaa. Loo xaraashi lahaa dahabka ooryaha iwm.

Muxuu ka hadlayaa Sheekh Aadan Siiro; weliba maalin Iideed oo bishii Ramadaan waajibaadkeedii la soo gutey oo uu inagu afurinayaa, misna weliba xaqal-ciid inooga dhigayaa?! Damiirka nooli se sidee buu odhaahda Aadan Siiro ula noolaan karayaa; uga aamusnaan karayaa?! “Yaan dadkaas loo gurman oo wax la tarin buu wadaadku” inna leeyahay!
Dunida guudkeeda qof kasta oo saaran bay waajib ku tahay in loo gurmadaa ciddii masiibadan oo kale ay haleesho. Waa waajib dadnimo in lagu guntadaa badbaadintooda. Marka aad Muslim tahayna waajibaad kalaa kugu soo kordhaya, waanay ka sii xag jirtaa marka qofkaaas samata-bixinta u baahini Muslim kale yahay. Maxaynu se nidhaahnaa SII AKHRI

1 comment:

Anonymous said...

buy ativan compare dosage ativan klonopin - ativan dosage compared xanax

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...