Sunday 4 September 2011

Mucaaradka Libiya oo xir xiray Soomaali fara badan ay ku eedeeyeen calooshood u shaqeystayaal (Sawirro)

Kooxaha Mucaaradka Libiya oo haatan inta badan ay la wareegeen Magaalooyinka dalka ayaa xir xiray ku dhowaad 57-ruux Soomaali ah oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen calooshood u shaqeystayaal taageerayay Madaxweynaha keli taliska Col. Mucaamir Al-Qadaafi.

Soomaalida oo aheyd dhalinyaro isugu jiray ragg iyo tababar ayaa qaarkood laga qabtay aag Mucaaradka joogeen oo ahaa dhismaha Machada Saliida Qaranka ee (NOI), halkaasoo haatan lagu xiray.

Mucaaradka ayaa sidoo kale waxay qabteen Soomaali kale oo rabay inay doon ka raacaan Xeebaha Libiya si ay ugu tallaabaan, waxaana Soomaalida ku dhow lixdanka ruux loo ogolaaday inay booqdaan Hey'adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR iyo hey'adaha kale ee qaxootiga.

Qaar ka mid ah Soomaalida ayaa waxaa ka muuqday jirdil loo geystay, waxaana qaarkood la sheegay in Isbitaal ku yaala Tripoli la geeyay sida ay ku warameen Dhaqaatiir la hadashay BBC-da qeybta Nigeria la hadasha.

War horay ugu soo baxay Mucaaradka ayaa waxay ugu eedeeyeen Afrikaanta mad madow ay ku lug lahaayeen dagaalada Libiya, waxaana ay sheegeen in garab siinayeen Hogaamiyaha LIbiya Qadaafi, iyagoo ku tilmaamay calooshood u shaqeystayaal.

Qaar ka mid ah Afrikaanta madowga ayaa ku dhintay dagaalada ahliga ee ka socday Libiya, iyadoo taasi keentay in Mucaaradka ay naceyb u qaadaan dadka mad madow.

Soomaalidan ayaa hada waxaa loo ogolaaday in la geeyo xerooyinka qaxootiga ay gacanta ku heyso UNHCR, inkastoo wali ay gacanta ugu jiraan Mucaaradka.

Intii ay socdeen dagaalada Libiya ayaa waxaa jiray soomaali fara badan oo ku go'doonsanaa, halak qaar la sheegay inay ku dhinteen, waxaana jiray qaar badan oo dhinaca Tunsia galay oo xuduuda sii dhaafay, markii xaalada ku adkaatay.

Laakiin markii ay meesha ka baxday kala dambeynta ayaa waxaa jiray Afrikaan fara badan oo Soomaali qeyb ka aheyd ay naftooda halis u geliyeen inay Badda Mediriam-ka uga tallaabaan dalalka Yurub, waxaana boqolaal ka mid ah ay galeen dalalka Talyaaniga iyo Malta.































1 comment:

Anonymous said...

generic ambien zolpidem er online - ambien side effects gi

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...