Friday 16 September 2011

Proff Afyare Cilmi: Dastuur ku Sheega Haddii la Ansixiyo Hala Ogaado Dalka iyo Dadkaba Dembi baa Laga Galay

proff-afyare-cabdi-cilmi
Proff Afyare Cabdi Cilmi oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed mudooyinkana ku hawlanaa warbixin la xiriirta dastuurka cusub ee dhowaan lagu qoray wadanka Jabuuti ayaa ka digay khatarta ka iman karta dastuurka cusub. Proff Afyare Cabdi Cilmi oo hadda wax ka dhig Jaamacada magaalada Doxa ee dalka Qadar ayaa sheegay in markii uu arkay qoraalka dastuur ku sheega loogu magacdaray ‘QABYO QORAALKA’ ee dhawaan la soo bandhigay ayaa sheegay inuu ku arkay waxyaabo aad loola yaabo isla markaana fikrada lagu qoray dastuurka aysan ahayn mid Soomaaliyeed.
Proff Afyare ayaa sheegay in asaga uu si fiican u darsay dastuur ku sheega uuna ka ururiyey dowr arimood kuwaa oo uu ku tilmaamay in haddii la meelmariyo dembi laga galayo Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Dowladda KMG ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed ay dusha saran doonto wixii mushkilad ah ee ka yimaada.
Qodobbada la yaabka leh ee dastuurka waxaa ka mid ah:
1- FIKIRKA QORRAALKA:
Proff Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in fikirka lagu qoray dastuurka uusan ahayn mid ku saleysan baahida Soomaalida balse uu yahay mashruuc la doonayey in kooxo qowleysato ah loogu sameeyo dhaqaale abuur iyo shaqo doon, taasina aysan noqon Karin dastuur ummadeed.
“Dastuurka waxaa lagu qoray fikrad ah in Soomaalidu lahayn dastuur iyadoo la iska ilaaway dastuuradii hore, waxaana wax kata lagu saleeyey rabitaanka beesha caalamka si lacag looga helo”, ayuu yiri Proff Afyare.
2- Arinta labaad:
Proff Afyare Cabdi Cilmi ayaa sheegay in kooxdii qortay dastuurka dhegta loogu sheegay wxa la yiraahdo ‘DIMUQRAADI’ taasoo ahayd qorshaha Qaramada Midoobay balse ayan eegin danta Ummadda Soomaaliyeed isla markaana aanb laga fekerin dalka iyo dadka.
“Nimanka waxan soo qoray waxa ku shaqeynayeen si ay uga faa’ideystaan shaqaalaha caalamka bixinayo lama oran war waxaan ma u baahanahay”, ayuu yiri Proff Afyare.
Diinta Islaamka
Sidda horey ay u sheegeen dad badan oo aqoonyaahano iyo Culimaa’udiin isla markaana aan ku faafinay warbixinadii hore ee shabakada Somalitalk,RBC Radio iyo Som24 wuxuu Proff Afyare sheegay in arimo badan u baahan yihiin in wax laga bedelo sidda qodobka Diinta oo loo bedelay in la fasaxay diimo kala duwan ayan u cuntamin Ummadda Soomaaliyeed.
“Dastuurkan haddii sidda hadda uu yahay lagu ansixiyo waxay noqoneysaa dembi dalka iyo dadka laga galay, hana ogaadeen kooxda KMG ee Muqdisho joogta arintaasi…”, ayuu yiri Proff Afyare.
Sidoo kale shuruudaha madaxweynaha oo horey dastuuradii hore ee Soomaaliya u qireen in looga baahan yahay Muslinimo iyo Soomaalinimo iska dhal ah ayaa hadda qodobadaasi waxaa laga saaray dastuur ku sheegani cusub oo la doonayo in ummadda si indha sarcaad ah looga iibiyo calaashaan 4.5, dhibac ama nus qabiil oo loola jeedo Soomaalia ma ahan.
3- FEDERALISM:
Proff Afyare ayaa si kulul u diiday fikrada lagu doonayo in dadka Soomaaliyeed looga dhigo gobolo kala go’aan oo ah federaal, wuxuuna sheegay in caalamka 24 dal oo kaliya ah yihiin federaal kuwaana ay ku nool yihiin dadyow kala dhaqan ah, kala diin ah xitaa kala dhalasho, balse Soomaalidu ay yihiin dad aan sinaba ukala go’i karin.
“Marka la soo qaato waxyaabaha wadamadaasi ay leeyihiin oo qaarkood xit buur kal xirn m jirto hl meel oo qura oo Soomaalida laga helayo”, ayuu yiri Froff Afyare oo sheegay in federal aysan dani ugu jirin dadka Soomaaliyeed.
Hadalka Proff Afyare Cabdi Cilmi ayaa ku soo beegmaya xilli toddobaadkan magaalada Muqdisho ay soo gaareen guddiga ku hawlan diyaarinta dastuur ku sheega kuwaasoo biilkooda ay bixiso hay’ada UNDP ee Qaramada Midoobay. Waxayna guddigaasi kulan la qaateen madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliyauu garwadeenka ka yahay Shariif Sheekh Axmed.
Kooxdan guddiga ahayaa hore u soo martay deegaanada Puntland iyo gobolka Mudug oo mucaaradd xoogani ay kala soo kulmeen kadib markii dadka aqoonyahanada iyo waxgaradka ahi ay la fajaceen waxyaabaha ku qoran dastuurkan cusub ee loo bixiyey ‘QABYO QORRAALKA’
Sidoo kale Culimaa’udiinka iyo aqoonyahano kaladuwan oo Soomaaliyeed oo ka hadlay qaabka dastuurkan loo soo sameeyey iyo waxyaabaha ku qoran ayaa gebi ahaan ku tilmamay “fikir aan ka gadmi doonin Soomaalida”.

Somalia24 Diinta Islaamka Oo
 

Ra’yigaagga Halkaan Ka Dhiibo Fadlan »

Post Your Comment »

ShareThis
Tags:

Post a Comment






1 comment:

Anonymous said...

Wοw! Finallу I got a webpage from
where I know how to genuinely get helpful facts concerning my study and κnowledge.



my weblog same day payday loans

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...