Tuesday 13 December 2011

Ciidamo Kanyaati ah oo lagu dilay Dagaalkii Taabto.


Written by Administrator on .
somalimemo.netKhasaara culus ayaa ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka lasocda kasoo gaadhay dagaal qaraar oo xalay fiidkii ka dhacay tuulada Taabto ee wilaayada islaamiga Jubbada Hoose.
Wararka nagasoo gaaraya Jubbada Hoose waxay xaqiijinayaan in uu joogsaday dagaalkii cuslaa ee xalay ka bilaawday tuulada kadib markii ay dib ulaabteen ciidamada mujaahidiinta oo weerarka soo qaaday.

Dagaalka ayaa ahaa mid gaadmo ah oo ay mujaahidiintu qaadeen kadib markii ay heleen warar Istikhbaaraad ah oo sheegayay in ciidanka Kenya ee Taabto ku sugan ay ku mashquulsanyihiin guuritaan iyo in ay saadkooda ciidan ka qaataan goobta.

Ilo wareedyo ay SomaliMeMo ka heshay Taabto ayaa xaqiijinaya in khasaara lixaad leh ciidanka Kenya kasoo gaaray dagaalkii xalay balse lama sheegi karo khasaaraha rasmiga ah ee gaaray Kenyaatiga.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...