Tuesday 13 December 2011

DEG DEG: Kulankii Barlamaanka KMG oo Goordhow Dhamaaday iyo Gudoomiyihii Barlamaanka oo Xilkii laga Qaaday


Share
Muqdisho (RBC) Waxaa goordhow soo dhamaaday kulan aan cadi ahayn oo maanta qayb ka mid ah mudanayaasha barlamaanka KMG Soomaaliya ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa sida ay sheegeen ka qeybalayaasha waxaa saaka looga hadlayey mooshin ka dhan afhayeenka barlamaanka kaasoo ay soo diyaariyeen qaar ka mid ah xildhibaanada.
Xildhibaano lagu qiyaasayo 2oo mudane ayaa kulanka isugu timid.  Waxayna ugu horeyn shir gudoomiye KMG ah u doorteen Xildhibaan Madoobe Nuunow Maxamed oo isaguna bilaabay inuu dhageysto mooshin ka dhan afhayeenka oo ay keeneen xildhibaano tiradooda lagu sheegay boqol mudane.
Xildhibaanada ayaa markii ay jeediyeen mooshinkooda waxaa bilaabatay codeyn loo qaadayo in Shariif Xasan xilka sii hayo iyo in kale.  Waxaana markii dambe natiijada ku dhawaaqay Madoobe Nuunow oo sheegay in 283 xildhibaan ay soo xaadireen kulanka dhamaantoodna ay u codeeyeen in afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan xilka laga qaado.
Mudanayaasha ayaa sheegay in si KMG xilka gudoonka barlamaanka uu u sii heyn doono Madoobe Nuunow Maxamed.
Dhanka kale waxaa kulanka maanta aan tegin tiro xildhibaano oo fara badan kuwaasoo la sheegay inay ku aragti yihiin gudoomiyaha Shariif Xasan.
Ma cadda sida xil ka qaadista mudanayaasha sharci u noqon karto, maadaama gudoomiyihii iyo ku xigeenadiisuba aysan furin kulanka.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...