Qarax Kale oo ay ku Waxyeeloobeen Haweenka Nadaafadda Muqdisho
Qof goobjooge ah ayaa Raxanreeb u sheegay in haweenka ay saaka nadiifinayeen meel u dhow xarunta saldhiga booliska ee Galbeed oo ku yaalla degmada Dharkeenley halkaasoo ay kula qarxday miino hore ugu sii aasneyd meesha oo aan laga warheyn.
Dhaawaca saddexda haweenka ah ayaa loola cararay isbitaalka Madiina halkaasoo lagu daweynayo haatan.
Qaraxan miinada ee dhibaatada u geystay haweenka nadaafada ayaa ah kii labaad oo ka dhaca isla xaafadaasi oo haween ay ku waxyeeloobaan. 30-kii Nofeembar ayaa 10 haween ah ay ku geeriyoodeen tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen ka dib markii goob ay nadiifinayeen ay kula qaraxday miino hore loo sii aasay.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxaasi. Saraakiisha ciidamada ee degmada Dharkenley ayaan iyaguna wax faahfaahin ah ka bixin dhibaatadan ay miinada u geysatay haweenka.
Illaa hadda maamulka degmada Dharkeenley ayaan ku guuleysan inuu wax ka qabto qaraxyada miinooyinka ee wadooyinka lagu aaso iyadoo degmadaasina ay u muuqato mida ugu amaanka xun caasimada oo dhan.
Qaraxyada miinooyinka ee ka dhaca Muqdisho ayaa u muuqda inay dhibaatada ugu badan ka soo gaarto haweenka iyo carruurta maadaama qaraxyada ay ka dhacaan meelo xaafado gudahood ah.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment