Friday 16 December 2011

Shariif Xasan Sheekh Aadan Oo Dib Ugu Soo Laabtay Muqdisho


Share
Muqdisho (RBC) Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan xildhibaano gaaraya 280 ay ka qaadeen xilka Afhayeenka Baarlamaanka ayaa maanta baraqadii waxa uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho,
Soo dhaweyntiisa ayaa waxa ka qeyb qaatay xildhibaano taabacsan, waxana uu sheegay in wali yahay guddoomiyaha baarlamaanka .
Waxa uu ka yimid dalka Talyaaniga halkaas oo diyaaradii uu wattay ay ka keentay, sidoo kale Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaan soo marin caasimada Kenya, Nairobi halkaas oo uu soo mari jirray marka uu ka yimaado safarada dibada.
Waxa uu sheegay in uu shir jaraa’id ku qaban doono hooyga uu ka dagan yahay caasimada, halkaas oo uu ku faahfaahin waxa uu ka oran doono wararka sheegaya in xilka la qaaday iyo sida u arko.
Waxa magaalada maalmahan ka jirra khilaafyo hor leh taas oo u dhexeysa xildhibaanada baarlamaanka oo dhawaan xil ka qaadis ku sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Laakin wareesi uu siiyay mid ka mid ah Idaacadda Caalamiga ee ku hadla Afsoomaaliga ayuu Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu ku sheegay in go’aanka xilka looga qaaday uu yahay sharci-darro ay ka danbeeyaan koox Qaswadayaal ah.
Af-hayeenka ayaa sheeegay in aanu la socon in madaxweyne Shariif ama Ra’iisal wsaaruhuba ay ku lug leeyihiin tallaabadan la sheegay in xilka lagaga qaadey.
Madaxweynanaha ayaa dhawaan war saxaafadeed uu soo saaray waxa uu ku sheegay in uu aad uga xunyahay tallaabada ay qaadeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka oo xilka ay kaga qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Macadda shirka jaraa’id uu ku qabanaayo Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu kaga hadli doono, laakin maalamahan waxa ka socda dhaqdhaqaaq ballaaran kuwaas oo ay wadaan xildhibaano taabacsan iyo kuwa ka soo horjeeda.
la soco wixii ka soo kordho warkan siddoo wareesiga waxa aad kala socon doontaan RBC-Radio
RBC
Xafiiska Wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...