Saturday 10 December 2011

Sheekh Cali Dheere "Kenya magaca ay doonto Ha Qaadato Dagaal Waa Dagaal iyaduna dagaal mataqaan".


Written by Administrator on .
somalimemo.netXarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka hadashay qorshaha ay dowladda Kenya ugu biirtay kamid ahaashiyaha kufaarta Afrikaanta ah ee dagaalka uga jira magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Cali Dheere oo galabta shir jaraa'id qabtay ayaa ku biiritaanka AMISOM ay kenya ku biirtay ay muujinayso in Keya ay ku jabtay duulaanka ay kusoo qaaday wilaayaatka islaamiga Gedo iyo Jubbooyinka.

"Kenya magaca ay rabto ha qaadato dagaal anaga ayaa uga aqoon badan gaadiidkiina dagaalka ayaan idinka qabsan doonaa"ayuu yiri Sheekh Cali dheere.

Xarakada Al Shabaab ayaa soo hadal qaaday socdaalkii fulaynimada ahaa oo uu Banki Moon shalay ku yimid magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay in gaalada adduunka ay fashilkooda ku qarinayaan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed oo ay wadaan.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed ee muslimka ah in ay Alle ka cabsiga badiyaan ayn ku taagnaadaan wadada ay hadda ku taaganyihiin oo ay difaaca diinta Alle isku barbar taagayaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...