Tuesday 13 December 2011

Sirdoonka Mareykanka oo Maxaabiis Muslimiin ah ka kaxaystay Gaalkacyo.


Written by Administrator on .
somalimemo.netSirdoonka Mareykanka ayaa dadkii ugu badnaa ka kaxaystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka nagasoo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa xaqiijinaya in diyuurad khaas ah oo ay wateen sirdoonka Mareykanka ay muddo saacado ah ku sugneed garoonka kadibna ay duushay.

Maxaabiis Muslimiin ah oo bilihii lasoo dhaafay laga raafayay magaalada Gaalkacyo ayay maleeshiyaadka PIS-ta gacanta ka geliyeen gaalada Mareykanka.

Dadka Mareykanka lagu wareejiyay waxaa kamid ah ilaa iyo 15 macalimiin dugsiyada qur'aanka ah iyo Imaamyo masaajid.

Waxgaradka Gaalkacyo ayaa SomaliMeMo u sheegay in dadka lagu wareejiyay Sirdoonka Mareykanka ay kabadanyihiin 26 qof oo dhamaantood ah dad Ahlu Towxiid ah.

Dhaq dhaqaaqa Sirdoonka Mareykanka ee Puntland ayaa maalmahan ahaa mid aad u sareeya waxaana larumeysanyahay in Mareykanku ku lug leeyahay dilalka lagula kaco culimada muslimiinta ee Puntland ku dhaqan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...