Thursday 19 January 2012

Ciidamada Al Shabaab oo Xalay Saqdii dhexe dagaal ku qabsaday Dhuusamareeb.


Written by Administrator on .
somalimemo.netCiidamada Mujaahidiinta Xarakada Al shabaab ayaa xalay dagaal kula wareegay gacan ku heynta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka nagasoo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamada Mujaahidiinta ay xalay saqdii dhexe weerareen magaalada ayna soo furteen hub iyo saanada dagaal oo ay maleeshiyaadka Mushrikiinta ah lahaayeen.

Warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Islaamka ay saacado kooban gacanta ku hayeen magaalada kadib markii ay dagaal uga saareen maleeshiyaadkii Mushrikiinta.

Maleeshiyaadka mushrikiinta oo loogu itaal sheegtay dagaalkii xalay ayaa saaka dib ugusoo laabtay Dhuusamareeb kadib markii ay ciidanka mujaahidiinta isaga bexeen magaalada.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay ciidanka Mujaahidiinta dagaal ku qabsadaan degmada Dhuusamareeb horay ayay mujaahidiintu sidaan oo kale usoo galeen magaalada kadibna ay dib uga bexeen.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...