Thursday 19 January 2012

SHidaalka Puntland & Caqabadaha ka hor Imaan Kara

Share
SHidaalka Puntland & Caqabadaha ka hor Imaan Kara
Amsyare@hotmail.com
Ahmed Mire
Jan 19 2012
Alah ayey mahad oo dhami u sugnaatay. Sida aynu wada ogsoonahay waxaa maalinimadii isniinta ee ay taariikhdu ahayd 16/01/2012,  ka bilawday deegaanada Puntland ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bari xaflad xariga looga jarayey ceel shidaal oo markii ugu horaysey laga hirgelinayo dalka Soomaaliya.
Ceelka shidaalka oo laga qoday dooxada Dharoor, gaar ahaan Meesha loo yaqaan Labarugoodle oo ka tirsan Degmada Ufayn, ceelkaas oo loogu wanqalay ama loogu magacdaray Shabeel 1, sidoo kale waxaa lagu rajaweynyahay in ay ku xigidoonaan ceelal kale oo iyaguna isla aagaas horay looga sahmiyey.
Hadaba su’aalaha in badan oo ka mid ah shacabweynaha soomaliya  ka dhexguuxaya gaar ahaan shacabka puntlad ayaa ah:
1.    Ma tahay xili ku haboon manta in shidaal dalka lagasoo saaro iyadoo laga wada dheregsanyahay duruufaha iyo arimaha qalafsan ee uu dalku marayo?
2.    Shidaal qodistan maanta laga hirgeliyey deeganada puntland ma noqon kartaa mid dalka soomaaliya oo dhan u horseeda barwaaqo iyo xasilooni, mise weyba uga sii dari oo qaab dagaaleed iyo qulqulatooyin horleh ayey dalka u horseedi?
3.    Dawlada puntland ee la ildaran amni xumida iyo musuqmaasuqa baahsan ee ragaadsadey ma awoodeysaa sugida amniga ceelashan shidaal ee ay usacabo tumatay?
4.    Shacabweynaha puntland ma yahay shacab u bisil hanashada hawshaas miisaankaweyn leh?
5.    Maku qanacsanyahay shacabka puntland, si cadaaaladi ku jirtose maloo maareeyey hawshaas muga weyn ee  laga hirgeliyey deegaamada puntland?
6.    Malaga yaaba in ay dawladu waaya aragnimo dheeri ah u yeelatay maaraynta hawlahaas oo kale, Mise weli waa jug jug meshaada joog oo wadadii hore ee qodxaha badnayd ayey ku jogtaa?
7.    Malaga yaaba hadiiba ay dhacdo in shidaalkaas lasoo saro in si cadaaladi ku jirto oo siman uu uga faa’iideysto shacabweynaha Puntland?
8.    Malaga yaaba wixii khayraad ah ee kasoo baxa arintaas ugubka ah in bisaylka lagu qaybsado oo ay shacabku dhaxalkiisa cunaan, mase laga yaaba in ay madaxda dawladeenu fahmaan masuuliyada saaran oo ay ka waantoobaan ceeriin ku qaybsiga ay madaxda badankood dhaqan iyo caado ka dhigteen?
9.    Maku wadaa dawlada xilka umada u haysaa Siyaasad cad oo raali gelineysaa dhamaan qaybaha bulshada puntland?Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...