Monday 29 October 2012

Ma Runbaa In Fawziyo Wasiir Laga Dhigayo?(Gabadhan Ayaa Ka Tirsan Xisbiga Damjadiid Ee Madaxweyne Xasan Garabka Loo Yaqaan (Dan-Jadiid)(Danta-Cusub)


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Monday, 29 October 2012 13:35

Gabadhii ugu horeysay ee ka tirsan Xisbiga Damjadiid garabka loo yaqaan (Dan-jadiid)(Danta-Cusub)ee lagu xanto inay yihiin Qunyar-socod Reer-Galbeedka qancin-kara  ayaa la filayaa in loo magacaabo R/wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arimaha Dibada,waxayna gabadhan taageero-weyn ka heysataa Xisbiga Madaxweynaha iyo Xaaska Reysalwasaraaha Xildhinibaanad Caasho Xaaji Cilmi iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar-Geele,inkastoo Reysalawasaare Saacid uu ka fikirayo inuu haweenaydan Wasiir ka dhigo.

Haweenaydan oo lagu magacaabo Fawziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa madax ka ah Xisbi lagu magacaabo (NDB)oo ay diiday Maxakamada-sare ee Hargeysa inay diiwaan-geliyaan.

Haweenaydan oo Bahda-Saxaafadda ka tirsanaan-jirtay ayaa mar lahaan-jirtay Teleefishin hadda hawada ka baxay oo la oran-jiray (Raad-Tv)

Hadii ay dhacdo in gabadhan aaminsan Somaliland iyo Soomaaliya in lakala gooyo,Wasiirkii ugu  Muhiimsanaa ee Arimaha Dibadda laga dhigo waxaa arintani ku  farxi-doono Dadka Reer Somaliland,maadaama Haweenay  aaminsan Somaliland inay tahay dal xor ah Wasiir looga dhigay,inkastoo laga yaabee inay mawqifkeeda Somaliland wax ka bedesho kolka ay dhacdo in Wasiir loo magacaabo.

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...