Monday 3 June 2013

Somalia - Wararkii Maanta

Marsh flooding brings new life to Iraq's 'Garden of Eden' By Richard Porter
 The lush marshes of Iraq are regarded by some as the original Garden of Eden, but they were drained and decimated by Saddam Hussein. Now a major restoration programme has seen people and wildlife return to one of the world's most famous wetlands.
Ahead of me stretches a channel through the reeds - Phragmites reeds that grow in the marshes near my home in England.
But unlike those at home, these are over 4m tall and seem to reach the sky above me as we gently glide through the avenue of still water they majestically flank.
We are punting in a Mashoof, the common small canoe of the marshes used for centuries for transportation and the collection of reeds.
I am in southern Iraq, in the Marshes of Mesopotamia - the Central Marshes to be precise. It is a paradise for wildlife and home of the Ma'dan, the Marsh Arabs.
Libya: Gaddafi-linked assets worth $1bn 'in South Africa' Many Libyans consider assets held by Muammar Gaddafi's family as state-owned property Continue reading the main story
South African officials are investigating claims ex-Libyan leader Muammar Gaddafi and his family stashed $1bn (£600m) in assets in the country.
Libya has reportedly called for help in repatriating diamonds, gold and cash.
The assets were being held by four banks and security companies in South Africa, reports quoting Libyan investigators say.

Some estimates suggest that Gaddafi's total foreign assets could be worth as much as $80bn.
Gaddafi was captured and killed as he tried to flee his home town of Sirte during Libya's political uprising in October 2011.
Any assets belonging to him or his family are firmly considered by many Libyans as state-owned property that should be returned.
"There was a group that approached Treasury claiming to represent the Libyan government and we are in the process of verifying their claims about assets that are in South Africa," a spokesman for South African Finance Minister Pravin Gordhan was quoted as saying by South Africa's Sunday Times newspaper.
Libyan embassy official Salah Marghani said that officials had "been appointed to investigate and secure assets in Africa on behalf of the people of Libya".
The newspaper printed extracts of letters from Libya's justice and finance ministers to their South African counterparts asking for help finding assets linked to Gaddafi, which might "have been illegally possessed, obtained, looted, deposited or hidden in South Africa".
It said Libyan investigators had met Mr Gordhan and President Jacob Zuma to discuss locating and returning the money.
--Syrian rebels and Hezbollah 'exchange fire in Lebanon' Hezbollah has been fighting alongside the Syrian army in the strategically important Syrian town of Qusair
A number of people have been killed in an exchange of fire between Syrian rebels and fighters from the Lebanese militant group Hezbollah, say reports.
 Lebanese security sources said the clashes took place on Lebanon's side of the border, near the town of Baalbek.
Hezbollah is fighting alongside the army in Syria, but the clashes have rarely crossed onto Lebanese soil.
Meanwhile the Red Cross has said it is alarmed by the worsening situation in the besieged Syrian town of Qusair.
It has appealed for access to the town, which lies just 10km (6 miles) over the Lebanese border.
Thousands of civilians are believed to be trapped as pro-government forces - including Hezbollah fighters - battle rebels.
The office of UN Secretary General Ban Ki-moon also appealed to the warring parties to allow residents to flee.
Mr Ban telephoned Syrian Foreign Minister Walid al-Moualem to share his concerns, but was told the Red Cross would be allowed in "as soon as military operations are over", Reuters reports.
Mr Moualem reportedly expressed his surprise at the level of concern over Qusair, saying there had been none when rebels took over the town last year.
Also on Sunday, a car bomb killed nine members of the Syrian security forces in the capital, Damascus, according to the British-based pro-opposition watchdog the Syrian Observatory for Human Rights.
The watchdog said the bomb had targeted a police station in the eastern district of Jobar, which has seen renewed clashes between government forces and rebels who are entrenched there.
Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha Hey’ada Xiriirka Caalamiga ee Japan
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay go’aankii Ra’iisul Wasaaraha Japan Shinzo Abe ee ahaa in Somalia si toos ah kaalmada Japan loo siinayo Dowladda iyo mashaariicda horumarineed ee Somalia u baahantahay.
 Mr Tanaka ayaa marka hore uga mahadceliyey Madaxweynaha Somalia booqadiisha dalka Japan iyo ka qeybgalka shirka TICAD V oo maalmahan ka socda magaalada Yokohama ee Japan iyo horumarka Somalia ay maanta ka gaartay dhanka siyaasadda amniga iyo xasilinta dalka.
 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa isna sidoo kale u mahadceliyey marti-gelinta Japan ay u fidisay iyo hoggaanka saliimka ah ee ay ka qaadatay arrimaha Soomaaliya. Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Japan gaar ahaan Ra’iisul Wasaare Abi go’aankiisa ahaa in xiriirka Japan iyo Somalia dib loo soo nooleeyey oo Japan ay si toos ah ula mucaamileyso Dowladda Soomaaliya.
 Madaxweynaha ayaa warbixin kooban siiyey Guddoomiyaha JICA ee ku wajahan xaaladda dalka gaar ahaan mashaariicda shacabka Soomaaliyeed ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin si horumarka ka bilowday Somalia loo sii ambaqaado. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin tababaro xirfadooda shaqo siyaadisa isla markaana nolol u abuurta iyo mashaariicda dib u dhiska oo iyagana shaqo abuuris u sameyn kara shacabka Soomaaliyeed.
 Ugu danbeyntii Guddoomiyaha JICA ayaa ballanqaaday in iskaashi toos ah oo xagga mashaariicda ay la sameynayaa dowladda Federaalka Soomaaliyeed, in tababaro shaqaalaha dowladda ee dhanka maamulka iyo maareynta la siin doono, in dhismaha macadyada tababarka farsamada la hirgelin doono iyo in dib u dhismaha iskuulada, Isbitaalada, waddooyinka iyo kanaalada beeraha intaba laga hirgelin doono Soomaaliya.
 Dam Jadiid oo La wareegay Wasaaradda Waxbarashada dalka
Ilo Lagu Kalsoonyahay oo qaar ay yihiin Dam Jadiid ayaa Shabelle u Xaqiijiyay in Koox diimeedka Dam Jadiid ay wadaan Qorshe ay isugu ballaarinayaan Hay’adaha dowladda Qaarkood oo ay u arkaan in danahooda Koox diimeed ahaan ay ku Kordhi karaan.
 Ilahaasi ayaa sheegaya in Hay’adaha Iminka ay isku ballaarinayaan ay ka mid yihiin Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Hay’adda Nabad Sugida Qaranka qeybteeda Nabad Sugida Madaxtooyada waxaana wararka ay intaa kudarayaan in Ujeedooyin Fog fog ay ka leeyihiin Hay’adahaasi
 Ilahaasi ayaa Xaqiijiyay in Ujeedooyinka ugu ballaaran ay tahay in uu jiray  Khilaaf  hore u dhexmaray Wasaaradda Waxbarashada iyo dallada FPENS oo Madaxdii dalladaasi ay iminka Jagooyin Sare ka hayaan Dowladda Soomaaliya kaasi oo salka ku hayay In Masuuliyiintii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada ay soo saareen in ardayda dhameysata Waxbarashada Dugsiga Sare ee qaadan Jiray Shahaadada Dugsiga Sare FPENS loogu bedello Shahaado Dugsi Sare oo ay soo saarto dowladda Soomaaliya taasina ay ka biyo diideen dalladda FPENS.
 Hadaba Maxaa dhacay Markii Masuuliyiintii FPENS  ee Dam Jadiidka ahaa ay la wareegeen Talada dalka Maxaa dhacay?
 Waxaa dhacday  in Jagooyinka Muhiimka ah ee Wasaaradda Waxbarashada ay La wareegaan Rag Dam Jadiid ah oo ka tirsan dallada FPENS.
 Haddaba Ragga La bedelay iyo kuwa Lagu bedelay waxaa ka mid ah.
 1: Abuu Cali sheikh Xaamud oo ahaa Madaxii Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada waxaa lagu bedelay  Prof  Max’ed Cilmi Tooxow oo ka tirsan dam Jadiid ahaana Madaxii Imtixaanaadka iyo Shahaadooyinka ee dallada FPENS oo ay  Saaxiibo  dhaw yihiin Wasiirka arrimaha gudaha ahaana guddoomiyihii dallada Waxbarashada FPENS C/kariin Xuseen Guuleed.
 2: Agaasimihii guud ee Wasaaradda Waxbarashada Muuse Faarax Xeyd waxaa lagu bedelay Max’ed C/qaadir Nuur oo ah Dam Jadiid wuxuuna ahaa Guddoomiyihii ugu dambeeyay  dallada FPENS oo uu kala wareegay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Xukuumadda Soomaaliya.
 3: Ismaaciil Macallin Cabdulaahi Baadiyow oo ahaa agaasimihii dalladaha iyo waxbarashada Gaarka ah waxaa lagu bedelay  Daa’uud Max’ed Makaraan oo ah Dam Jadiid.
 4: Agaasimaha waaxda Manaahijta Jagadaasi oo banaanayd waxaa loo Magacaabay  Dr C/llaahi Sheikh Rashiid oo ah dam jadiid inkastoo uusan shaqada soo xaadirin ee uu bare ka yahay Jaamcadda SIMAD  islamarkaasina qaraabo dhow ay yihiin   faarax C/qaadir  Wasiiru dowlaha Madaxtooyada .
 Dhinaca kale waxaa dorraad 30/05/2013 waxaa La Magacaabay Guddiga Maamulaya deeqaha Waxbarasho ee dibadda waxaa guddoomiye loo Magacaabay guddoomiyaha dallada FPENS C/qaadir Kadle  ahna dam Jadiid taasoo la tilmaamayo in ay u fududaaneyso in ciddii ay daneynayaan ay Waxbarasho dibadda ah ay u diri karaan iyadoo Suura gal ay tahay in dhalinyarada Waxbarashada dibadda Loo dirayo ay  ka mid Noqdaan Koox diimeedka Dam Jadiid.
 Arrinta aadka u xiisaha leh ayaa waxa ay tahay in Ragga Dam Jadiidka ee Madaxda ka ah Wasaaradda Waxbarashada ay diyaariyeen Sharciga waxbarashada Gaarka ah oo dhawaan Loo gudbin doono Golaha Wasiirada ayna u sii gudbin doonaan Golaha Baarlamaanka si loo Ansixiyo, waxaana Meesha ka baxeysa in Sharcigii Waxbarashada dowladda aan la diyaarin oo mid gaar ah la diyaarsaday
 Sababaha ay Sharciyadaan Gaarka ah Loo sameynayo ayaa Lagu sheegay Arrimo kala duwan waxaana ka mid ah in  Xarumaha  Dallada FPENS ay ku shaqeyso intooda badan ay leedahay Wasaaradda Waxbarashada mana Ogola FPENS in ay awood yeelato Wasaaradda taasi oo keeneysa in goobahaasi laga saaro Dallada FPENS.
'Jaaliyadda Birmingham oo Dooratay Gudoomiyaha Galaha Guurtida Soomaaliyeed ee Magaalada Birmingham!!
Waxaa Magaalada Birmingham ee Dalka Ingriiska lagu Qabtay Xafladda Si Heer Sare ah loo soo Agaasimay Taasoo lagu Dooranayay Galaha Guurtida Soomaaliyeed ee Magaalada Birmingham ee Dalka Ingriiska.
 Xafladaan oo ay si heer sare ah u soo qabnan qaabiyeen Golaha Guurtida Soomaaliyeed ee UK ayaa waxaa lagu doortey Gudoomiyaha Galaha Guurtida Soomaaliyeed ee Magaalada Birmingham Waxaana loo Doortay Mudane Abdullaahi Shariif Faarax.
 Sidoo kale xafladaan oo ay ka soo qeybgaleyn dhamaan xubnaha Golaha Guurtida Soomaaliyeed ee UK, Culumaa udiin, Dumar, Dhalinyaro, iyo Ururada Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa waxaa goob jog ka ahaa Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Ingriiska Mudane Cabdi Cumar.
 Dhanka kale waxaa isla goobtaa lagu doortey Gudoomiyaha cusub ee jaaliyada Birmingham Mudane Hassan Ahmed Mohamed iyo kuxigeen kiisa Marwa Miski Hagi Omar oo ah haweeney sumcad iyo qadarin ku dhex leh magaalada Birmingham Ee Dalka Ingriiska
Dhanka kale kale Marwa Miski Hagi Omar waxa ay xilal sare ka soo qabatey Dowladii kacaanka ee uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariitee Sareeye Guute Janeral Maxamed Siyad Barre.
 Ugu Danbayntii Dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladaan ayaa waxey Gudoomiya-yaasha cusub iyo ku xigeenadooda u jeediyeen dardaaran talooyin iyo duco isugu jirta waxeyna Alle Subxaanahu Watacaalaa uga Baryeen in Alle u fududeeyo xilalkaan culus ee loo idmaday uga cabsadaan Allihii abuurtey Ummadda ay hogaamiyaana u cadli falaan.
 Booliiska Dalka South Africa oo Shaaca ka qaaday in Soomali hayn ninka dhagaxa lagu dilay!!
 Booliiska dalka South Africa ayaa waxay sheegeen inay filimka maalmahaan lagu soo bandhigay barta Youtubeka ee lagu sheegay inuu yahay nin Soomaali ah oo lagu dilaayo dhagax inuusan ninkaasi ahayn Soomaali
 Sida ay xaqiijieeyn ehelada marxuum Axmed Cabdi iyo Booliiska dalka South Afrikaba in filim maalmahaan dhex wareegaayey barta internetka gaar ahaana Youtubeka oo lagu sheegay inuu yahay nin Soomaali ah oo ay dhagax ku dilayaan shacab reer South African ah inuusan ninkaas ahayn Soomaali sida ay horey warbaahintu u sheegtay laakiinse uu yahay shil kale oo isla xafadaas ka dhacay, Sidoo kale ayaa mid ka mid qaraabada marxuumka Soomaaliga ah ee dhagaxa lagu dilay waxa uu sheegay inuusan ninkaas ahayn marxuum Axmed Cabdi sida warbaahinta lagu faafiyey, asagoo sidoo kale intaas raaciyey inaysan isku ekeyn marxuumka islamarkaana marka la helay marxuumka uu ahaa wali mid xiran oo ku labisan dharkiisa.
 Ugu dambeyntiina iyadoo sidoo kale nin Soomaali ah oo lagu magacaabi jirey Axmed Cabdi oo ahaa ganacsada dhagax lagu dilay dalka South Africa ayaa uusan ninkaasi ahayn ninka ka muuqda filimkaas naxdinta lahaa, Sheekadaan oo uu markii ugu horeysay soo bandhigay warbaahinta dalka South Africa ee lagu magacaabo eNCA ayaa waxay ka noqotey arintaas iyadoona sheegtay inay ka heshay booliiska dalka South Africa faahfaahin ku saabsan inuusan ninkaas ahayn Soomaaligii lagu dilay dhagaxa iyadoona uu booliiska dalkaas South Africa uu sheegay inay baarayaan waqtiga ay dhacday arintaas iyo cida ka dambeysay iyo inuu dhawantaan soo bandhigi doono cida uu ahaa qofkaas lagu dilaayo dhagaxa laakiinse uu marnaba ahayn filimkaas qofka Soomaaliga ahaa ee asagana dhawaantaan dhagaxa lagu dilay.


Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo Wasiirka Arimha Dibada Maamulkaasi ku Edeye in uu Ujan jeero Soomaaliya
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka dhacay shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya waxaana shirkaasi ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo maamulka Soomaalilan.
 Shirka ayaa u jeedkiisa ahaa sidii maalgashi loogu sameyn lahaa dalka burburay ee Soomaaliya,kaasi oo ka qeyb galeen shirkado caalami ah islamarkaana daneynayay arimaha Soomaaliya.
 Wasiirka arimaha dibada maamulka Soomaaliland oo qeyb ka ahaa shirka ayaa markii uu Soomaaliland ugu soo laabtay lagu dhaleeceeyay ka qeyb galka shirkaasi.
 Engneer C/rashiid Cali, oo ah masuul ka tirsan xisbiga Wadani , ayaa wasiirka ku eedeeyay in uu ka qeyb galay shir aan quseyn maamulka Somaliland, isla markaasina looga hadlayay arimaha Soomaaliya .
 Sidoo kale wasiirka ayaa lagu cambaareeyay ka qeyb galka shirkaasi kaasi oo lagu tilmaamay in meel ka dhac uu ku yahay gooni isku taaga Soomaaliland.
Shalay ayeey Markii Xisbiga UCID uu Sheegay  In Maamulka Somaliland gudo iyo dibedba aqoondarada dublimaasiyadeed ee sida suudha uga soo ifbaxaysa maalinba maalinta ka dambaysa maamulkii aynu ku aaminay hogaanka dalka.
 Waxa ayna Shacabka Somaliland usheegen in aanaan raali ka ahayn meel ka dhaca joogtada ah iyo boholo-dheeraynta lagu hayo qadiyaddii Somaliland ee aynu usoo halagamaynay mudada 22ka sanno ah
Qaramada Midoobay Oo Taageereysa Dadaalka Lagu Doonayo in Dib loogu Dajiyo Qaxootiga Soomaalida Ah.
Qaramada Midoobay ayaa balan qaaday inay dowlada Kenya ka taageeri doonto dadaalka ay ku dooneyso inay dib u celiso qaxootiga soomaalida ah,ka dib markii ay ku adkaaday mati galintooda.
 Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo ka hadlayay Xafiiska UNka oo ku yaala magaalada Yokahamaee dalka Japan  intii uu socday kulan uu la qaatay la qaatay madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay taageeri doonto dadaalka lagu doonayo in dib loogu dajiyo qaxootiga soomaaliyeed ee mudada ku noolaa xeryaha qaxootiga ee Kenya.
 Ban Ki-Moon ayaa sheegay in beesha caalamka ay taageeri doonaan qorshaha dowlada Kenya ee ah dib u dajinta in ka badan 600,000 oo qaxooti soomaali ah oo in mudda ah ku noolaa xeryaha qaxootiga ah ee ku yaala waqooyi bari Kenya.
 Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa shirka ka sheegay in bisha September lagu qaban doono magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya shir looga hadlayo qaabka ugu haboon ee dib loogu dajin karo qaxootiga soomaalida ah.
Gudiga arrimaha dibada ee Baarlamanka oo kulan yeeshay  
Kulankan ay maanta magaalada Muqdisho ku yesheen gudiga arrimaha dibadda ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dhibatooyinka haysta dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada ku yaal wadamada dibada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa boobka iyo dilka lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.
 Markii uu soo gaba gaboobay kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Prof  Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudiga arrimaha dibadda ee Baarlamanka Soomaaliya waxa uuna sheegay in kulanka looga hadlay sidii wax loogu qaban lahaa shacabka Soomaaliyeed ee ku xir xiran qaar ka mid ah xabsiyada wadamada dibada ah loona saaray gudi wax ka qabta arintaasi.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa intaasi ku daray in dhibaatooyin badan ay haystaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa, isagoona intaasi ku daray in safiirka Soomaaliya ee dalkaasi uu maalmihii ugu dambeeyay uu kulamo la lahaa dowladaasi isagoona kala hadlayay sidii wax looga qaban lahaa dhibatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee magan galyada u tagay dalkaasi.
 Kulankan ay maanta yesheen gudiga arrimaha dibada ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu imanayaa xili dhibatooyin badan ay la kulmayaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka South Africa.
Askar Siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
ASkartani ayaa maanta waxaa Siyaabo kala duwan dil Loogu geystay Xaafad Ka tirsan Degmada Kaaraan iyo Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
 Goob Jooge La Hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho oo diiday in Magaciisa Loo Adeegsado qalabka Warbaahinta Sababo Ammaan Aawgeed ayaa sheegay in Sarkaal Ka tirsan Ciidamada Minishiibiyada Lagu dilay Bar Kontarool oo ku taalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
 Goob Joogaha ayaa waxa uu intaa kudaray in dilka Sarkaalkaasi uu yimid kadib Markii uu Muran dhexmaray Sarkaalka la dilay iyo Mid ka mid ah ASkarta Ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa oo ay wada shaqeynayeen isagoo sidoo kale tilmaamay in ASkarigii falkaasi dilka ah geystay uu Goobta isaga Baxsaday.
 Dhanka kale ASkari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ayaa Maanta Kooxo ku hubeysanaa  Bastoolado waxa ay ku dileen Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
 ASkariga la dilay ayaa waxaa La tilmaamayaa in uu Lacago ka Uruurinayay Gaadiidka dadweynaha ee halkaasi Isticmaala Xilliga dilka Loo geysanayay.
 Kooxihii dilka U geystay Askarigaasi ayaa Sidoo kale la sheegay in ay horay u qaateen Qoriga uu watay Askarigaasi.
 Majiro wax war oo ka soo Baxay Saraakiisha Ciidamada Ammaanka oo ku aadan dilalka kala duwan ee Maanta Askartaasi loogu geystay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho hayeeshee dilalkaan ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli Maalmihii dambe Ciidamada dowladda iyo Kuwa AMISOM ay howl gallo Nabad Xaqiijin ah ay ka sameynayeen Xaafadaha Muqdisho.


Dam Jadiid oo La dagay Dhaqaalaha dalka
Daba Yaaqadii Sanadkii Tagay ee 2012 ayey ahayd Markii Talada dalka uu la wareegay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud Wiixii  ka dambeeyay Xiligaas waxaa  soo if Baxayey guuxa dadweynaha oo ku aadan Dhaqaalo xumi baahsan oo uu Dalka Cagaha la Galay .
 Dadka Qaarkii ayaa layaaban Halka uu Ka baxay Dhaqaalaha Dalka Waxaa iska Horyimid Qoysas Farabadan oo Is Qabay Kadib markii ay isaga horyimaadeen Dhinaca biilka iyadoo Ganacsatada yar yarka ah ay iyana quus ka taaganyihiin Ganacsigooda .

Marka aad la sheekeysato Ganacsatadani ayaa Waxa ay kuu Sheegayaan in Dadka wax ka iibsan jiray in aysan Haysan Wax dhaqaalo ah oo ay ku maareeyaan nolashooda .
 Mid ka mid ah Ganacsatada ka howl gala Suuqa Degmada X/Weyne ayaa Shabelle u Sheegay in xiligii ay Dalka ka talinayeen Dowladihi KMG ahaa in Ganacsigooda uu Kobocsanaa hase ahaatee Haatan ay Qarka u saran yihiin in ay Al-baabada isugu dhuftaa Goobahooda Ganacsi isagoo intaasi raaciyay in Dhaqaalaha Dalka ay La dageen Koox Diimeedka Dam jadiid oo Iminka Gacanta Ku heysa Talada Dalka.
 Mid ka Mid ah Ganacsatada Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa Shabelle isna U sheegay in ay Soo wajahaday Dhaqaalo Darri tii ugu dareyd isagoo intaas Ku daray in Dhaqaalihi Dalka ay Gabi ahaan ay Gacanta ku Dhigeen Kooxda dam jadiid isago is weeydiiyay Halka uu ka baxay Dhaqaalaha Dalka.
 Sikastba tan iyo Markii kooxda Dam jadiid ay Faraha ku dhigeen Talada dalka ayaa waxa ay Caqabad la xiriirta Dhinaca Dhaqaalaha ay soo wajaheysay Ganacsatada ku Dhaqan Magaalad Muqdisho.
 Hadaba su’aasha is Weeydiinta Mudan ayaa Waxa ay tahay ma in Shacabka soomaliyeed ay Mar weliba ay hogaan u noqdaan Koox diimeed lumisa  Danahooda Dhibaato iyo ciriiri Dhaqaalena  Gelisa Mise?


Agaasime Hore uga tirsanaa Xukuumadda oo ka cabanaya Kooxda Dam Jadiid
 Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo Muddooyinkii dambe Ku Jiray Xabsi ay dowladda leedahay ayaa sheegay in loo adeegsaday Ku tagri fal awoodeed.
 Muuse Faarax Xeyd Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta Sare oo Shabelle La hadlay ayaa  sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tagri fashay islamarkaasina xilkiisa loo Magacaabay Shaqsi ka tirsan Kooxda Dam Jadiid.
 Ex Agaasimahaan ayaa Xusay in Awood iyo Maquunin Loo Isticmaalay  Muddo bandanna uu ku jiray islamarkaasina Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay Xariggiisa ka dambeeyeen kuwaasi oo uu sheegay in awood ay u adeegsadeen.
 Sidoo kale Muuse Faarax Xeyd ayaa Carabka ku dhuftay in aan Laga tashan markii xilka laga qaadayay ee uu ku soo Baraarugay Xilkiisii oo Loo Magacaabay Shaqsi ka tirsan Kooxda Dam Jadiid.
 Sikastaba ha ahaatee Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya Gaar ahaan Kuwa ka tirsan Kooxda Dam Jadiid ayaa awood gaar ah ku dhex leh Golaha Wasiirada Soomaaliya.
   Fowsiya iyo Amina oo heshiis u saxiixay Somalia iyo Kenya
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa kala saxiixday heshiis dhigaya in la dhiso guddi ka shaqeynaya xiriirka labada dal.
Hadalkan ayaa soo baxay kaddib shir ay magaalada Nairobi ku yeesheen Wasiirrada arrimaha dibedda ee labada dal.
Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya, Amina Maxamad, ayaa sheegtay in labada dowladood ay xoojin doonaan isla markaana dib u eegi doonaan heshiisyadii ay horey u kala saxiixdeen.
Labada dowladood ayaa sanadihii 2005-ta iyo 2009-ka kala saxiixday heshiisyo la xiriira iskaashiga u dhexeeya labada dowladood.

Shir jaraa’id oo wadajir ay ugu qabteen xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Kenya, ayay ku sheegeen in bisha siddeedaad ay qaban doonaan shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga Soomaaliyeed.
Dowladda Kenya ayaa doonaysa in dib loo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalkeeda. Hasa ahaatee, labada wasiir waxay sheegeen in qaxootiga loo celin doono si waafaqsan sharciyada caalamiga ee qaxootiga.
Heshiiska waxaa qeyb ka ah in dowladda Kenya ay aqoonsatay qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee dib u xasilinta iyo dib u heshiisiinta dalka.
Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah kuwa AMISOM ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.
Axmed Ismaaciil Samatar oo si Weyn loogu soo Dhaweeyay Hargeysa, kana warbixiyay Imaashihiisa .
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland kaddib markii uu muddo dheer ka maqnaa, isla markaana ahaa aqoonyahan si weyn uga soo horjeeday gooni isku-taagga Somaliland.
 Boqolaal dadweyne ayaa ka qaybqaatay soo dhoweynta professor Samatar, kuwaas oo ka kala yimid gobolada Somaliland, isla markaaana lulayay caleemo qoyan, una tirinayey buraanburo loogu soo dhoweynayey.
 Sidoo kale, dadweynaha soo dhoweeyey waxa ka muuqday ciyaaryahanada gobolada Gabiley iyo Boorame oo dharkii ciyaartoygoodda watay, isla markaana u sacabo tumayey.
 Prof. Samatar oo diyaaradii uu soo raacay dhigtay madaarka Berbera, ayaa waxa diyaarad khaas ah usoo kireeyey xukuumadda oo ka soo dajisay madaarka Hargeysa, halkaasi oo dadweynaha iyo madaxda Somaliland ku sugayeen.
 Aqoonyahanka ayaa markii uu diyaaradda ka soo degay ku sujuuday dhulka, ka dibna waxa uu bilaabay salaan gacan qaad ah oo uu boqolaalkii dadweyne oo saf dheer ugu jiray dhamaantoodba salaamay.
 Guddoomiyaha guddida xukuumadu u xilsaartay soo dhoweyntiisa Cabdilaahi Geeljire oo ah wasiirka kulluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa sheegay in aqoonyahanka ay ku soo dhoweynayaan dhulkiisa hooyo, isla markaana ay ku faraxsan yihiin  imaanshihiisa.
 Siyaasi Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ku soo guryo noqoshadda gurigiisa, maadaama oo muddo dheer ugu dambaysay, waxaanu xusay inay u qorshaysan tahay inuu dhamaan gobolada uu soo wada maro, isla markaana uu bulshada qaybaheedda kala duwan la kulmi doonno.
 “Sababtaan u imid Somaliland waxa weeye marka aad wax weyn u timaado laba amuurood ayaa kugu waajiba, kow waxa kugu waajiba inaad dhagahaaga furto oo aad dhagaysato iyo inuu afkaagu xirnaato oo uuna furnaado dareenkaagu, waxa weyn ee aan sheegayo waxa weeye waa Somaliland, Somaliland waxay ahaan jirtay waddan intaan gobonimada la qaadan, magacu shalay muu dhalan, dad iyo qaran baa jira, waxaa igu waajib ah inaan darso oo aan la sheekaysto hamadooda iyo noloshooddu siday tahay aan dareemo”ayuu yidhi Samatar mar uu ka hadlayey sababta uuu yimid, isagoo sheegay inuu casuumad ka helay madaxweynaha Somaliland.
 “Arrinta Somaliland maaha wax indhaha laga qarsan karo, muddo badan ayaan ka hadlayey waana la doodaa Somaliland, waayo xaq baan ku leeyahay in aan la doodo ana xaq baa la igu leeyahay, inta aan hadlayey haddii aad dib u baadhaan waxaad garan doontaan inay aduunyadu u garato Somaliland waxay qabsatay oo aan meelo kale loo soo marmarin ee toos loola hadlo, iyadoo aduunyadda hareeraha ka xigaa burbursan tahay, dabadeedna abaalkeedda la siiyo, labaatan sanno ayaan arrintaasi ka hadlayey wax cusub oo aan soo saarayo maaha, waxaanan jeclahay in madaxda iyo shacabka warkooda aan dhagaysto, war baan buuxaa anigu, wadankana war baa buuxa ee waa in aan dhagaysto oo aan wax ku qaato, Somaliland meel aan kaga tagayo ma jirto waana halkii ilaahay iga abuuray,” ayuu yidhi mar uu ka hadlayey waxa uu ka aaminsan yahay qadiyada madax banaanidda Somaliland.
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka gaabsaday inuu wax badan yidhaahdo, waxanu ku soo koobay inuu war badan bixin doono marka uu xog badan helo, isla markaana madaxda iyo madax dhaqameedka  la kulmo.

 Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayaa magaaladda Hargeysa si weyn looga dareemayey soo dhoweyntiisa, waxaana wadooyinka lagu xidhay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihin sawirkiisa, waxaana wadada kala xidhay boqolaal gaadiid ah oo loogu soo dhoweyanayey.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...