Tuesday 10 May 2016

Algeria oo dhisanaysa Masjidka Ugu Minaaradda Dheer Caalamka


 
0
SHARE 
(SONNA)–Algeria ayaa dhiseysa mid ka mid ah masjidyada ugu weyn caalamka, iyada oo la sheegay in tani ay dhabar jab ku noqon doonto kooxaha mayalka adag, masjidkaasi ayaa waxaa lagu magacaabo Masjidka Djamaa El Djazair ayaa laga dhisayaa inta u dhaxeysa goob loo dalxiis tago iyo Degmo ay ku xoogganaan jireen kooxaha xagjirka ah, sida ay ku warantay wakaaladda wararka Faransiiska ee AFP.
Dhismaha masjidkaasi ayaa waxaa uuku kici doona 1.4 bilyan oo dollar, wuxuuna yeelan doonaan maktabd ay yaalaan hal milyan oo buug, dugsi qur’aan iyo minaaradda ugu dheer caalamka, isagoo markiiba qaadi doona inay ku tukudaan 120,000 oo qof.
“Dad baa nagu eedeyey inaan masjidkan u dhiseyno xagjiriinta” ayuu yiri Ahmed Madani oo la-taliye u ah Wasaaradda guryeynta oo Mas’uul ka ah dhismaha masjidkan. “Hase yeeshee sidaasi maahan, masjidkan wuxuu dhabar jab ku noqon doonaan xagjiriinta. Waa ayaga kuwa diidan mashruucan”.
Madani  waxa uu sheegay in masjidka, oo dhismihiisa la dhameyn doono sanadka soo socda, ayaa waxa uu beddel u noqon doonaa goobaha diimeedka ee ay maamulaan kooxaha xagjiriinta ah.
W.D. C/lahi Ruush

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...