Tuesday 10 May 2016

Maxaad ka taqaan waxtarka Toonta?


 
0
SHARE 
Toontu waxay ka mid tahay Geedaha loo isticmaalo daaweynta oo kuddo badan la isla gartay waxtarkeeda caafimad, iyadoo la isticmaali jiray ilbaxnimadii kala duwaneyd ee Dunida soo martay, waxaa kaloo ay ka mid tahay Geedo-daawadeedka uu Nabigeenna suuban NNK uu nagala dar-daarmay in la isku daaweeyo iyo cilmi-baarista casriga ah oo la isku waafaqay waxtarkeeda caafimaad.
Toonta maaddo ahaan waxaa ku jira Allicin waana maaddo carafta Toonta xambaarsan iyo awoodda daaweed, dhinaca nafaqada waxaa ku jira Manganese, Fitamiin B6, Fitimiin C iyo maaddada selenium, waxaa kaloo ku jira qadar yar oo kaalshiyam ah,Kopper, botasium iyo Bir ah.
Khaqabiiro Caafimaad oo cilmi-baaris ku sameeyay  Toonta, ayaa sheegay inay nafaqo badan ku jirto, maskaxdana awood u siiso inay iska difaacdo xanuunno badan oo asaasaqa u horreeyo, iyadoo cilmi-baarayaal daraasad ku sameeyay Toonta oo ka tirsan Jaamacadda Missouri ee Cariga Maraykanka ayaa tilmaamay inay faa’iidooyin badan ku qarsoon yihiin oo qofka caadaysta cuniddeeda aaneey ka muuqan astaamo badan oo uu gabawgu leeyahay sida ilowshaha, asaasaqa, xanuunada maskaxda iwm.
Toonta waxaa kaloo lagu daaweeyaa hoos u dhigga dhiig-karka, iyadoo seddex daraasadood oo lagu sameeyayna ay sheegeen in haddii aad qaadatid qadar 600 ilaa 1500 mg oo Toon ah maalintii ay la mid tahay adigoo qaatay kaniiniga dhiig-karka ee loo yaqaan Atenola, waxaa kaloo lagu daaweeyaa xanuunada fayrisku keeno sida hargabka ama durayga.
Toontu waxaa kaloo hoos u dhigtaa Kolestaroolka xun ee loo yaqaan LDL iyo dufanka kaleba oo wadnaha u daran, waxaa kaloo ay anfacaysaa Dadka ka shaqeeya Warshadaha Kiimikada sameeya, waxaa kaloo la cadeeyay inay kobciso lafaha khaasatan Dumarka, iyadoo siyaadisa hormoonka estrogen, waxaa kaloo la xusaa in Toontu lagu daaweeyo ama ay la dagaalanto jeermiska mindhicirada gala iyo Gooryaanada, iyadoo suuxisa, taasoo sahlaysa inuu ka soo baxo.
Toonta waxaa kaloo loo adeegsadaa qandho jabista, qufaca, caabuqa sanqada, kalagoys-xanuunka baaba’siirka, xiiq-dheerta, baronkiitada, qaniinyada masaska iyo dabaqalooca oo haddii la tumo oo lagu shubo aa la saaro meeshee uu bahalku qaniinay waxay soo nuugtaa sunta, waxaa kaloo hadda jirta cirbad laga sameeyay Toonta oo loo adeegsado feero-xanuunka oo aan daawado waxba ka tarin.toon1
Toontu waxay kordhisaa fir-fircoonida iyo gubista tamarta xilliga jimicsiga ama orodka, waxayna ka wanaagsan tahay kana caafimaad badan tahay dawooyinka firi-fircoonoda kordhiya oo leh waxyeelo badan, waxaana arrintaan laga ogaaday taariikhda Giriiggii hore, iyagoo orodada Marathon-ka siin jiray ciyaartooyda inta aysan ordin, waana sir mar dambe la ogaaday.
Maadaama ay Toontu waxtarkaasi iyo faa’iidooyinkaasi badan leedahay sow ma aha mar walba iyo goor walba jeebkaaga ha kuugu jirto.
W.D:- C/llahi Xuseen Calasow Ruush

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...