Tuesday 10 May 2016

Qarax Kismaayo laga gaysan rabay oo la fashiliyay


 
0
SHARE 
Kismayo(SONNA):- Ciidamada amaanka Jubbaland ayaa fashiliyay Qarax la geliyay goob ay isugu yimaadaan shacabka magaalada Kismaayo oo la yiraahdo Kuumadaha oo horay u aheyd Warshadii Galleyda ee magaalada Kismaayo.
Ismaciil Maxamed Khayre oo ka mid ah saraakiisha magaalada Kismaayo oo la hadlay SONNA ayaa sheegay inay ka war heleen in goobta la dhigay Qarax lana doonayo in Shacabka lagu laayo, laakiin ay ka hortageen falkaasi.
“Ciidanku aad ayay u shaqeeyaan xog raadintooduna way badantahay, taas ayaana u suurta galisay inay ogaadaan Qaraxaan bahalnimada ah, waxayna ku guuleesteen inay halkaasi ku fashiliyeen.” sidaasi waxaa yiri sargaalkaan ka tirsan Jubbaland.
Xarunta Kuumadaha waa goob ay ku yaalaan Maqaayado, waxaana inta badan fariista dadka magaalada Kismaayo oo Dhallinyaro iyo Odayaal isugu jira, kuwaasi oo halkaasi ku sheekaysta.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa haatan ah mid caadi ah oo degan, inkastoo ciidanka amaanka ay baari taano samaysanayaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...