Tuesday 10 May 2016

Tahriibaal lagu la’yahay Biysha u dhaxeeya Masar iyo Talyaaniga


 
0
SHARE 
SONNA:- Dooni ay la socdeen Tahriibayaal badan oo Soomaali ay ku jiraan ayaa lagu layahay biyaha u dhaxeeya wadamada Masar iyo Talyaaniga.
Doontaan oo ka baxday xeebaha Masar ayaa waxaa saarnaa ilaa iyo 390-ruux oo Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen dad ku sugan dalka Masar oo la hadlay SONNA.
Mudo 15-maalmood ah ayaa Doonida ay saarnaayeen dadkaan waxaa la sheegayaa in wax war ah aanan laga haynin halka ay ku danbayso.
Qaar ka mid ah waalidiinta Tahriibayaasha oo la hadlay SONNA ayaa waxay aad kaga walaacsanyihiin xaalada dadkooda oo aysan Nolol iyo Geeri midna ku haynin.
Tahriibayaasha faraha badan ayaa doonayay inay tagaan wadanka Talyaaniga iyo waliba wadamada kale ee qaarada Yurub.
Dhowaan ayay hayd markii dooni ay saarnaayeen dad Tahriibayaal ah ay ku dagtay biyaha u dhaxeeya labadaan dal ee Masar iyo Talyaaniga taasi oo ay ku dhinteen ilaa iyo 200 oo ruux oo Soomaali ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...