Saturday 11 June 2016

Al-shabaab Oo Toogtay Hoorjoogeyaal Ay Ajaanib Kamid Yihiin


 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNAO):-Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa magaalada Jilib ee gobalka Jubada Dhexe ku toogtay Sadax nin oo ka tirsanaa Kooxda Al-shabaab kuwaas oo laba kamid ah ay dhalashadoodu tahay Kenya, halka qofka kalana uu ahaa Soomaali.
Magacyada labada nine e Kenya u dhashay ayaa kala Ah, Cabdullaahi Faraj oo 22 Sana Jir ah, Alshabaabna uga soo biiray Magaalo Xeebeedka Mumbaas, iyo Jared Mokae Omambia oo 31 Sano jir ah wuxuuna ka soo jeedaa degmada Magaalada Eldoret ee dalka Kenya.
Horjoogayaasha ay Dileen Al-shabaab, ayaa ka mid ahaa Ajaanibta dhibaatada Xooggan ku hayay Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo kala shaki kadib ku soo waqti dhammeystay in Isla Kooxdii ay ka tirsanaayeen ay gacantooda ku khaarajiyaan.
Sidoo kale Malshiyaadka Kooxda Al-shabaab ayaa shalay 4 qof  oo isla Kooxdaasi ka tirsan ku dishay Deegaanka Buula Fuulaay ee Gobalka Bay.
Dilalka Kooxda, ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhabar jab xoog leh ay kala kulmeeyso Weeraro isugu jira Cirka iyo dhulka oo ay iska kaashanayaan dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...