Saturday 11 June 2016

AMISOM oo oggaalatay inay ka guurto garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho


29
Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhawaaqay dhawaan inay isaga guuri doonan garoonka kubadda cagta ugu weyn Soomaaliya ee Stadium Muqdisho,kaaso fariisin u ahaa tobankii sanno ee ugu dambeysay.
Afhayeenka ciidamada AMISOM,Joe Kibet waxuu markii ugu horreysay sheegay si dhaqso ah inay uga guurayaan garoonka kubadda cagta Muqdisho oo ay dowladda Shiinaha dhistay xilligii dowladii dhexe ee Soomaaliya.
“Waxaan kuu sheegayaa dhawaan in ciidamada AMSIOM ay ka baxayaan Stadium Muqdisho, laakiin ma ku dhihi karo waqtigaas saxda ah ayay ka guurayaan.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM oo la hadlayay wakaaladda wararka Soomaaliya ee SONNA.
Waxuu inta ku daray,in ogaantiisa uu ka warhaayo guutada ciidamada ah ee hada dagan halkaas loo diyaarinayo inay ka baxaan oo meel kale la geeyo.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ayaa dhawaan tagay garoonkaas waxaana ay sheegeen in Stadium Muqdisho uu muhiim u yahay cayaartoyda Soomaaliya dowladduna ay ku dadaalayso in dib u dhis lagu sameeyo.
Garoonka ayaa ah mid ballaaran wuxuuna ka koobanyahay qaybo, sida qaybta Kubada Cagta, Kolayga, Dabaasha iyo qaybo kale oo muhiim ah, waxaana arintaan ay ku soo aadaysaa iyadoo haatan tartamada Kubada Cagta lagu qabto garoonka Banaadir oo kaliya.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...