Wednesday 8 June 2016

Askari ka tirsan nabad-sugidda Soomaaliya oo lugu dilay weerar ka dhacay Muqdisho


????????????????????????????????????
Muqdisho (RBC Radio) Kooxo hubaysan ayaa weerarray gaari ay la socdeen ciidamada sirdoonka iyo nabad-sugidda Soomaaliya,xilli hore oo xalay ah,sida waxaa sheegay sarkaal ciidanka ka tirsan.
Weerarka waxuu ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa,waxaana fuliyay gaari kale oo ay la socdeen rag hubeysay,kaaso xabado ku furay askarta ka tirsan ciidamada NISA.
Waxaa ku dhintay weerarka hal askari oo ciidamada ka tirsan,saddex askari oo kalana waa ay ku dhaawacmeen,iyadoo uu goobta ka baxsaday gaarigii ay wateen raggii hubeysnaa.
“Weerarka waxuu dhacay waqtigii afurka ee saacada Muqdisho,”ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya.
Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha,Cabdikaamil Macalin Shukri oo ka hadlayay weerarka waxuu sheegay in ciidamada NISA uu ka dhintay hal askari, halka saddex kalena ka dhaawacmay, waxaana uu xusay in durbadiiba ciidamada ammaanka ay goobta gaareen.
Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka ay ku jiraan feejignaan sare oo ku aadan sidii ay uga hortagi lahaayeen weerarada ay qorsheynayaan al-Shabaab.
Dhinaca kale,sawir lugu baahiyay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lugu arkayay taliyaha hay’adda nabadsugidda Jen, Tuur Yare oo dhiig u shubaya qaar ka mid ah askartii ku dhaawacantay weerarkii xalay.
Ma jirto cid sheegtay mas’uuliyadda weerarka lugu qaaday ciidamada nabad-sugidda dowladda Soomaaliya,waxaase horay weerarradan oo kale Muqdisho uga fuliyay ururka al-Shabaab ee dowladda la-dagaallama.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...