Tuesday 14 June 2016

Dad ku dhintay Roobab Dabeylo wata oo ka da’ay magaalada Hargeysa



 
0
SHARE 
Hargeysa (SONNA)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in halkaasi ay ka da’een roobab dabeylo wata, oo aad u saameeyey dadka rayidka ah.
Ilo lagu kalsoonyahay oo SONNA lahadlay ayaa sheegaya in roobabkaasi ay sababeen dhimashada 5-ruux oo rayid ah iyo dhaawaca dad lagu qiyaasay 15-ruux, kuwaas oo ay saameeyeen roobabka da’ay.
Roobabka waxaa sidoo kale ay saameeyeen guryo iyo goobo kale oo ganacsi oo ku yaala magaalada Hargeysa gaar ahaana xaafada New Hargeysa oo roobabku si gaar ah ay u saameeyeen.
Masuuliyiinta maamulka Soomaaliland wali ma bixin faah faahin ku saabsan qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay roobabkaasi.
W/D:-Muxudiin MMC

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...