Saturday 4 June 2016

Dagaal Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Maalinkii Labaad Ka Socda Deegaan Hoos Taga Magaalada Laascaanood


 
0
SHARE 
Laas-Caanood,(SONNA):-Wararka Wakaaladda SONNA ay ka heleyso Deegaanka Dharkeen Geenyo, oo Qiyaastii 80Km dhinaca Koofur uga beegan magaalada Laas-caano, ayaa kusoo waramaya in ay dhinteen in kabadan 20 Ruux ugu  yaraan 13 kalana ay dhaawacmen, kadib Dagaal Beeleed Maalintii Labaad ka socda deegaankaasi.
Dagaalka ayaa bilaawday, kadib markii uu iskarhorimaad dhexe maray maleeshiyo beeleedyo wada dagan deegaankaasi, xilli odayaasha dhaqanku ay u fadhiyeen dhammeynta Colaad hore u dhex martay dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Dharkeen ee gobalka Sool.
Cisbitaalka guud ee Magaalada Laascaanood ayaa la soo gaarsiiyay dhaawacyada Illaa Afar qof, oo laga keenay goobaha ay dagaalladu ka socdaan.
Goob-jooge ku sugan Magaalada Laas-caano ayaa SONNA u sheegay in ay socdaan waan waan lagu joojinayo Colaadda, dagaalkuna uu ku soo beegmay, iyadoo loo diyaar garoobayo dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan oo ah bil cibaado.
“ waxaan ka xunahay colaadda mar kale soo laabatay. Dadku wuu tashan waayay, ogaada dadoow Colaad wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta” sidaasi waxaa Cod dheer ku yiri C.laahi Cabsiye oo kamid ah odayaasha dhaqanka.
Cuqaal iyo Culama’udiin maanta ka hadlay Masaajidda Magaalada Laascaanood ayaa ku baaqay in si dag dag ah loo joojiyo dagaal, islamarkaana dhawaan deegaanada lagu dagaalamayo ay gaari doonaan Isimo iyo guurtida dhaqanka.
sonna

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...