Sunday 5 June 2016

Garoon diyaaradeed oo caalami ah ayaa laga hirgaliyay magaalada Qabridahar


garoon
Jig-jiga (RBC Radio) Magaalada Qabridahar ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga furay garoon diyaaradeed oo caalami ah kaas dhismihiisa la waday mudo labo sano ku dhaw.
Garoonkaas ayaa ah kii koobaad ee uu dhisto maamul deegaan oo Itoobiya ku yaalla,tallaabada oo lugu ammaanay maamulka Soomaalida Itoobiya oo si iskood ah u hir-galiyay garoonka caalamiga ah.
Dhismaha garoonka,waxaa la sheegay inay ku baxdey lacag dhan 19 milyan oo dollarka Marekanka ah,lacagta waxaa bixiyay maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Garoonka oo shaqada si rasmi ah u bilaabay waxaa furay Madaxwaynaha Deegaanka Cabdi Maxamuud Cumar iyo Tewadros Daut oo ah agaasimaha guud ee garoomada diyaaradaha ee Itoobiya.
gero1
Madaxwayne ku-xigeenka ahna wasiirka waxbarashada ee dowlad deegaanka Itoobiya,Mawliid Haayir Xasan oo ka warbixiyay garoonka waxuu sheegay inuu ka mid noqon doono garoomada ugu weyn dalka Itoobiya oo dhan.
Waxuu sheegay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya,Cabdi Maxamuud Cumar in la guddoonsiiyay shahaado sharaf uu ku muteystay dhismaha garoonkan,taaso ka dhigtay maamulkii ugu horreeyay oo garoon caalami ah hirgaliya.
“Garoonkan waxuu ka mid noqonaya garoomada caalamiga ah ee Itoobiya,waxaana dhisey injineero u dhashay deegaanka,”ayuu yiri Mawliid Haayir madaxweyne ku-xigeenka dowlad deegaanka.
Waxaa kalo uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka in kor loo qaadayo adeegyadda horumarka ee ay bulshada deegaanka u baahan-yihiin,isagoo marka la hadlayay idaacadda BBC-da.
Dalka Itoobiya oo an lahayn wax deked ah ayaa muhiimada koobad siiya garoomada oo ka mid ah goobaha uu dhaqaalaha dalka ka soo galo,deegaanka Soomaalida ayaana ka mid ah dhulka ugu horumarsan dalka Itoobiya dhowrkii sanno ee dambe.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...