Monday 13 June 2016

Itoobiya iyo Eritrea oo ku dagaallamay xaduudka u dhaxeeya


140623002427_artillary_fired_iraq_624x351_reuters
Muqdisho (RBC Radio) Wararka ka imaanaya xadka u dhaxeeya dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo daris ah ayaa sheegaya halka inuu dagaal xoog leh ku dhex-maray,sida ay baahisay BBC-da.
Dagaalka waxuu ka dhacay soohdinta ay ku muransan yihiin dalalka Itoobiya iyo Eritrea,dadka ku nool magaalada Tserona ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in dhawaqa rasaas maqleen saacadihii hore Axada, isla markaana ay arkeen ciidamo badan oo wata hubka culus kuwaasoo ku wajahan soohdinta ay la leeyihiin Eritrea.
“Waxaan arkeynay ciidamo hub wata oo ku socda dhanka soohdina Eritrea,ka horna waxan maqleynay dagaal u muuqday saf iyo saf oo rasaas badan la adegsadey,”sida waxaa yiri qof ka mid ah dadka ku nool magaalada Tserona ee waqooyiga Itoobiya.
Lakin inuu dagaal dhacay,waxaa diidey wasiirka warfaafinta  Itoobiya oo isagoo la hadlaya BBC-da u sheegay in aanu ka warqabin wax dagaal ah oo dhacay.
“Wax war ah uma heyno dagaal dhacay,”ayuu yiri Getachew Reda oo ah wasiirka warfaafinta Itoobiya.
Labada dal ayaa muddo dheer ku muransanaa deegaanno ka tirsan soohdinta ay wadaagaan, waxaana Qaramada Midoobay ay deegaannadaasi u xukuntay Eritrea, walow ay Itoobiya diiday go’aankaasi.
Ugu yaraan boqol kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii labadaasi dal dhexmaray intii u dhexeysay sanadihii 1998 ilaa 2000.
In kastoo dagaalkaasi uu soo afjarmay sanadkii 2000, ayaa haddana waxaa mararka qaar dhici jiray iska horimaadyo kooban.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...