Sunday 12 June 2016

Itoobiya iyo Soomaaliland oo wada-hadal ku yeeshay Hargeysa


B47D728A-C1DE-4EB9-90F2-6BA1007B4076_cx0_cy12_cw0_w987_r1_s_r1
Muqdisho (RBC Radio) Wada-hadal u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo Soomaaliland ayaa ka qabsoomay magaalada Hargeysa oo caasimad u ah maamulka,sida lugu sheegay war ka soo baxay madaxtooyadda.
Wada-hadalka labada dhinac,waxuu quseeya arrimaha ganacsiga isticmaalka dekedda Berbera,iskaashiga nabadgelyada, beeraha iyo xoolaha.
Wafdi uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya Regasa Kefalewu oo gaaray magaalada Hargeysa  ayaa wada-hadalka ka qayb-galay,kaddib kulan uu la qaatay madaxda Soomaaliland.
Marku soo dhammaaday kulamada mas’uuliyiinta labada dhinac,waxaa wada-jir saxaafadda ula hadlay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliland,Sacad Cali Shire iyo wasiiru-dawlaha arrimaha dibadda Itoobiya,Regasa Kefalewu, waxaanay sheegeen in waxyaabaha ay ka wada hadleen ay ku jirtay dhacdo dhawaan ka dhacday magaalada Gaashaamo ee xuduudka labada dhinac, halkaas oo qiyaastii dad labaatan gaaraya ay ku dhinteen, dad badan oo kalena uu dhaawac ka soo gaaray ka dib markii ciidamo ka socda Itoobiya iyo dadka deegaanka uu iska-horimaan dhexmaray.
“Wada-hadalkeena waxuu quseeyay arrimo kala gedisan oo ay ka mid tahay arrimaha ganacsiga isticmaalka dekedda Berbera,iskaashiga nabadgelyada, beeraha iyo xoolaha.”ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibada Soomaliland Sacad Cali Shire.
Sidoo kale,wasiirka arrimaha dibada Soomaaliland ayaa sheegay in arrimaha amniga ay ka hadleen labada dhinac gaar ahaan dhacdadii Gaashaamo, Jaamac Dubad iyo Balli-Dhiig.
Dagaalka ka dhacay,magaalada Gaashaamo ee xuduudka labada dhinac, waxaa ku dhintay qiyaastii dad labaatan gaadhaya , dad badan oo kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaashay kaddib markii ciidamo ka socda Itoobiya iyo dadka deegaanka uu iska-horimaan dhexmaray.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibada Itoobiya,Regasa Kefalewu ayaa sheegay in baaritaano la sameyn doono shaqaaqooyinkii ka dhacay Gaashaamo dadkii lagu helo dambina sharciga la horgeyn doono.
Itoobiya iyo Soomaaliland waxaa ka dhaxeeya heshiis dhinaca ganacsiga u badan,maaddama xukuumadda Addis ay dooneuso inay adegsato dekedda weyn ee magaalada Berbera.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...