Saturday 11 June 2016

Jawaari oo kulamo la qaatey dhigiisa dalalka Ciraaq, Turkiga iyo Bakistaan – SAWIRO


15SHARES
Gud Jawaari Kulammo Baqdaad (5)Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad uga qeybgaleen shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey, Ciraq iyo Bakistaan.
Kulankii ugu horeeyey ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay dhigiisa dalka Bakistan Sardar Ayaz Sadiq ayadoo kulankaasina looga wada hadlay abuuridda iskaashi iyo xiriir wada shaqeyn oo dhex mara labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Bakistaan iyo adkeynta danaha Baarlamaannada dunida muslimka ayadoo labada Guddoomiyena ay taasi qalinka ku wada duugeen.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa kulan gaar ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga Baarlamaannada mataannaha ah ee Soomaaliya iyo Tukriga la qaatay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Turkiga ee isagu la doortay dhammaadka sanadkii tagay ee 2015 İsmail Kahraman waxaana kulankaasi looga wada hadlay xoojinta shaqada guddiyada labada Baarlamaan u qaabishan saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Turkiga iyo in la dedejiyo dhismaha gurriga Umadda Soomaaliyeed kaasi oo ay horey u ballan qaaday dowladda Turkiga.

Kulankii ugu dambeeyey waxa uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka uu dalkiisu marti geliyey sanadkan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka oo ah Ciraaq Dr Salim Al-Jabouri waxaana kulankaasi looga wada hadlay sidii loo mataaneyn lahaa Baarlamaannada Soomaaliya iyo Ciraaq ayadoo taasina ay labada Guddoomiye hoosta ka wada xariiqeen.
Dhammaan kulammada uu Guddoomiyaha Baarlamaanka la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Turkey,Ciraaq iyo Bakistan waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux) iyo safiirka dowladda Soomaaliya u fadhida dalka Ciraaq Marwo Khadija Maxamed Almakhzoumi .
Faafin Horseed Media 2015

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...