Kismaayo(SONNA)—Madaxweynaha Mamaulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa Cafis u fidiyay 13-ruux oo horay uga tirsanaa kooxda Al-Shabaab.
Dadkaan horay kaga mid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa ku jiray xabsi ku yaala magaalada Kismaayo Sadaxdii Sano ee la soo dhaafay sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Sababta loo Cafiyay ay tahay Bisha Barakeysan ee Ramadaan awgeed, iyadoo sidoo kale la amray in Afar ka mid ah dadkaan laga masaafuriyo magaalada Kismaayo.
Dadka cafiska loo fidiyay ayaa soo dhoweeyay waxayna sheegeen inay ka mid noqon doonaan dadkooda, ayaga oo sidoo kale balan qaaday inaysan mar danbe ku laaban doonin kooxda Al-Shabaab.
No comments:
Post a Comment