Wednesday 8 June 2016

Taiwan oo shabakad Raadaar ah ka rakibaysa Xeebaha Somaliya.


 
0
SHARE 
Muqdisho(SONNA)- Dowladda Taiwan  ayaa  waxay heshiis iibsi Radaar ilaaliya amaanka Xeebaha Somaliya, la gashay shirkad Mareykan ah oo ku takhasustay ilaalinta   Xeebaha iyo Maraakiibta maraysa biyaha intaba.
Shabakadda  Raadaarka ah, waxa ay leedahay shan qeybood  oo isgaarsiin ah  iyo Saldhigyo  laga sameynayo xeebaha dekedaha  shan magaalo  oo ka tirsan Soomaaliya oo kala ah Muqdisho, Berbera, Kismaayo, Boosaaso iyo hoobyo waxayna shabakadan ka saacideysaa dekedahaasi  amniga Maraakiibta  iyo maamulka howlaha Dekedehaasi.
Sidoo kale qorshan ayaa ah mid lagu saacidayo howlgalka midowga Yurub ee afduubka ka ilaaliyaha Maraakiibta xamuulka qaada ee maraya biyaha Xeebaha badaha Somaliya.
Heshiiskaasi oo ay wada saxiixeen shirkad midowga Yurub hoos tagta iyo wakiil ka socoday Dowlada Taiwan waxaa ku baxayaa lacag dhan 166 Miliyan, oo doollar,taasi oo ujeedkoodu yahay in lagu horumariyo isgaarsiinta badaha somaliya si ay Maraakiibta ugu sahasho inay nabad gelyo ku maraan iyo si si deg deg ah loola xiriiro hadii shil ama dhibaato kale ay qabsato Maraakiibta xamuulka sida ee caalamiga ah.
Dhanka kale Wakiilka Shirkada ” OBP، ayaa sheegay inay shirkadiisu aad ugu faraxsan tahay Qorshana shabakada Raadeerka ah oo lagu hagaajiyo xaalada amni ee Xeebaha ku teedsan Badaha Somaaliya si looga hortago ayuu yiri” khatarka ku imaan karta Maraakiibta Dowliga ah iyo kuwa Goboleedka intaba.
Raadarkan ay Dowlada Taiwan ku tala jirto inay ka sameyso Xeebaha Somaliya wuxuu kaloo ka saacidayaa Ciidanka Badda Soomaaliya sidii ay macluumaad badan u heli lahayeen isla markana u gudan lahayeen shaqada ee loo idmay.
Wakiilka Dowlada Taiwan ee Midowga Yurub u fadhiya ayaa sheegay inay dowladiisu ay ballan qaadayso door weyna ka qaadanayso arrimaha amaanka iyo tageerada bani’aadanimo iyo gacan siinta ciidamada wadamada kala duwan ka socoda oo ka qeyb qaadanaya amaanka Xeebaha Soomaaliya si loo sugo habsamida howlaha maritaanka badaha Soomaaliya” ayuu yiri.”
Dhanka kaloo iyadoo qorshan ay wado Dowlada Taiwan ayaa waxaa hore midowga yurub Tababar u siyeen 100 sarkaal iyo askarba oo ka tirsan Ciidanka Badda Soomaaliya.
-Tarjume Mukhtaar-

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...