Wednesday 15 June 2016

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo faah faahiyey raashinkii dhacay ee lagu qabtay garoonka Muqdisho


 
0
SHARE 
Muqdisho (SONNA)-Raashinkan oo garoonka Muqdisho ay ku qabteen ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa isugu jiray boqol shey oo kala duwan oo ay kamid ahaayeen galley ,Masaggo Caano boore iyo saliid iyo nuucyo kale oo saraakiisha boolisku ay ku sheegeen in ay ahaayeen raashin dhacay.
Ciidamada booliska ayaa raashinkan qabtay xili la doonayey in loo dhoofiyo qeybo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo qorshuhu ahaa in loogu qeybiyo qoysas Soomaaliyeed.
Taliyaha hogaanka ilaalada Canshuuraha ee ciidamada Booliska Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raashinkan dhacay ee la qabtay ay laheyd Hay’adaha Cunada Aduunka ee WFB, islamarkaana ciidanku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad masuul ka ahaa raashinka.
“Hay’adda WFB ayaa laheyd gacanta ayaan ku dhignay waxaa la doonayey in Garbahaarey iyo Baardheere la gaarsiiyo si dadka loogu qeybiyo”Ayuu yiri taliyaha.
C/laahi Xasan Bariise Taliyaha hogaanka ilaalada Canshuuraha ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaca kale sheegay in la bilaabayo baaritaan ku saabsan raashinkan, gudi gaar ahna loo magacaabi doono.
“Dowlada gudi ayey u saari doontaan waana la baarayaa insha allh, wixii kasoo baxana wan la wadaagi doonaa Bulshada”sidaasi waxaa yiri C/kaahi Xasan Bariise.
Raashinkan ay qabteen ciidamada booliska Soomaaliya ayaa muuqaal ahaan isbedelay, taasi oo muujineysay in waqti badan uu raagay oo lagu hayey baqaarada.
W/D:-Muxudiin MMC

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...