Saturday 11 June 2016

Wafdi ka socda Jubbaland oo ku sugan Garoowe (Sawirro)


Garoowe (RBC Radio) Wafdi ka socda dowlad-gobolleedka Jubbaland ee koonfurta Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland,halka oo lugu soo dhaweeyay.
Waxaa hoggaaminaya wafdiga ka socda Jubbaland,guddoomiye ku-xigeenka baarlamaanka,Aadan Khaliif Xaaji,waxaa kalo waheliya wasiir Ganacsiga Iyo Warshadaha Jubbaland,Fariid Jaamac Saleebaan,saddex xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan iyo Suldaan Cali Siciid.
Inta aysan wafdiga soo gaaren magaalada Garoowe,waxaa ay ka soo dageen magaalada Gaalkacyo oo lugu soo dhaweeyay,sida uu sheegay xildhibaan la hadlay warbaahinta oo ka mid ah wafdiga Jubbaland ka socda ee soo gaaray Puntland.
Booqashada wafdigan waxaa ay la xiriirta sida ay uga qayb-gali lahaayeen shirka dib u eegista dastuurka kumeel-gaarka ah ee dalka,kaaso dhawaan ka furmaya magaalada Garoowe.
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ku magac dheer Cabdullaahi Dheere,waxuu sheegay inta ay ku sugan-yihiin Garoowe inay kulamo kala duwan la qaadan doonan mas’uuliyiinta dowladda Puntland iyo wax-garadka.
“Waxan u nimad Garoowe,sidii an uga qayb-gali lahayeen shirka dhawaan furmaya ee dib u eegista dastuurka,”ayuu yiri,” Waxaa kalo jiri doonta inan kulamo kal duwan la qaadano mas’uuliyiinta dowladda iyo baarlamaanka Puntland,”
Jubbaland ayaa xiriir dhow la leh Puntland oo ka mid ah maamullada faderaalka ee ugu faca weyn dalka,Waxaa la xasuusta garab istaagi Puntland waqtigii la dhisayay maamulka Jubbaland oo ay caqabado badan horyimaadeen.
1 2 3 4
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...