Wednesday 8 June 2016

War murtiyeed laga soo saaray wada hadaladii u dhaxeeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya


 
0
SHARE 
Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo gaba gabeeyay wada hadaladii uga socda Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Nairobi,waxana laga soo saaray war murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo diirada lagu saaray arrimaha amniga, xiriirka ganacsi, arrinta qaxootiga iyo socdaalka.
Labada Madaxweyne ayaa isku raacay in arrinta qaxootiga lagu saleeyo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee horay u dhex maray Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobey oo ku aadanaa in dib u celinta qaxootiga ay noqoto mid aan qasab aheyn.
Madaxda labada Dal ayaa guddi u saaray arrinta qaxootiga, waxeyna guddigan ka shaqeynayaan qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa iyo dib u celinta qaxootiga, waxaana si gaar ah uga shaqeynaya Wasaaradaha arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya
Dhanka kale waxay Madaxweynayaasha isla garteen in la fududeeyo isu socodka labada dal, iyadoo diyaaradaha ka imaanayay Soomaaliya ee lagu baaro Wajeer dib loo eego, isla markaana duulimaadyo toos ah ay bilaaban doonaan oo aan la soo mari doonin Wajer, waxaana arrintaas loo saaray guddiyo ka shaqeeya
War murtiyeedka oo qoran saacadaha soo socda ka Akhriso SONNA.SO

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...