Monday 13 June 2016

Wasiir Yamani ah oo sheegay in Xuutiyiintu ay maalintiiba dilaan 100 Qof rayid ah.


 
0
SHARE 
Cadan(SONNA)- Wasiirka Maamulka gudaha ee dalka Yeman Cabdi  Raqiib Fatxi ayaa daboolka ka qaaday in Tirakoob la sameeyay ay ka soo ifbaxday in maleeshiyaadka Xuutiyiinta ka dagaalanta dalka Yeman iyo Ciidamada Madaxweynihii xukunka laga tuuray  Cali Cabdalla Saalah ay maalintiiba dilaan  113 qof oo Rayid ah oo Haweyn iyo caruur ku jiraan.
Shir jara’id uu  Wasiirku maanta ku qabtay Caasimada ku meel gaarka ee Cadan ayaa sheegay in xiligan shacabka Yeman ay la soo derestay musiibo bani’aadanimo tii ugu darneyd taa oo sabab u a ayuu yiri ” dagaalka sokeeye ee ka socoda gudaha dalkaasi”.
Wasiir Cabdi  Raqiib Faatxi, wuxuu kaloo cadeeyay in 21 milyan yamani ah ay haatan baahi weyn u qabaan gargaar deg deg ah,wuxuuna intaa raaciyay in dagaalka ahliga ah ee yeman ka socoda  ay ku dhinteen dad  gaaraya 6440 qof, in ka badan 31kuna ay ku dhaawacmeen oo 1300 ka mid ah ay caruur yihiin.
Sida uu Wasiirku sheegay in hal Milyan Caruur ay waxbarasho la’an yihiin iminka, halka kun Iskuul waxbarashana ay noqdeen kuwo burburay ama la albaabada la isku dhuftay.
Wuxuu kaloo Wasiirka Maamulka gudaha ee dalka Yeman Cabdi  Raqiib Faatxi sheegay in Gobolka Cadan oo xarunta kmg u ah Dowladda Caalamku  aqoonsan yahay Cabdi Rabu Mansuur  ay soo wajahday shidaal la’an  tan iyo markii maleeshiyaadka Xuutiyiinta ay qabsadeen magaalada Sanca oo Saldhig u ah warshadiha iyo  shirkadaha shidalka, wuxuuna soo jeediyay in xuutiyiinta ay xayiraada ka qaadaan cunaqabateynta shidaalka ee saran Cadan.
Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Mahamed bin Zayid uu u ballanqaaday in dhaawacyo gaaraya kun qof Yamaniyiin ah oo dagaalka ku dhaawacmay uu deeq daaweyn ah u fidinayo loona qaadayo Isbitaalada  dalalka Sudan iyo Hindiya.
Tarjume- mukhtaar-
المصدر : الجزيرة,الصحافة اليمنية

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...