Wednesday 13 July 2016

Booliska Kenya oo toogasho ku dilay dhallinyaro Soomali ah


isliiNairobi (RBC Radio) Labo dhallinyaro Soomaali ah ayaa geeryooday markii ay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ku toogteen booliska Kenya.
Dilka ayaa xalay ka dhacay suuqa Jaamka ee Islii oo ah meesha ay ugu badan yihiin Soomaalida degan Nairobi.
Goob-joogayaal iyo ilo ka tirsan booliiska ayaa sheegay in dhallinyaradaas ay hubeysanaayeen, kuna lug lahaayeen dhac loo geystay dad rayid ah xilliga uu dhacay dilkooda.
Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyarada ay ka tirsanaayeen koox burcad ah oo ka dhisan Islii, kuwaasoo lagu eedeeyo in ay falal amni darro ka geystaan xaafadda.
Booliiska iyo ururrada Soomaalida ee Islii ayaa marar badan ka digay cawaaqib xumada ka dhan karo dhibaatooyin ay kooxahaas ka geystaan gudaha xaafadda.
Bulshada Soomaalida ee ku nool Nairobi qaar ka mid ah ayaa u sheegay Raxanreeb inay ka xun-yihiin dilka ay dhallinyarada Soomaalida ah u geysteen booliska,waxaana ay ku baaqen in loo istaago sidii dhallinyarada burcada ah gacan loogu dhigi lahaa.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...