Wednesday 13 July 2016

Ciidamada NISA Oo Qabtay Hub Iyo Gaari Walxaha Qarxa Ay Saaranyihiin+Sawirro


 
1017
 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):-Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo nabadsugidda Qaranka ee NISA ayaa caawa ganata ku dhigay hub iyo Gaari noociisu yahay Kaarib, kaas oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdikaamil Macalin Xirsi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNa, ayaa sheegay in ciidamada NISA oo ku guda jira howlaha sugidda nabadgalyada deegaanka ay qabteen hub iyo gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaas oo la dhigay wadada dhinaceeda.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga wuxuu intaa ku daray in ay baxsadeen kooxihii argagixisada ee watay gaariga, iyagoo bilaabay in ay isticmaalaan qorshe cusub oo ay ku qayaanayaan shacabka si aan loo agaanin xiliyada ay isku gudbinayaan Gawaarida lagu soo diyaariyo qaraxyada lagu halaagayo shacabka Soomaaliyeed.
“Gaariga waxaa Saarnaa hub iyo walxaha qarxa, wey baxsadeen kooxihii watay, waxa ay bilaabeen qaabab cusub oo kooxaha argagixisadu ku talageen in ay shacabka Soomaaliyeed ku waxyeelleeyaan, gacmo badan ayay maraan marka ay gawaarida qaraxyada sida ay isku gudbinayaa, meelaha aysan dadka ka filaneynin ay dhigaan, ciyaalka gawaarida dhaqa ayan noo nadiifiya dhahaan si aan dadku uga shakin kadibna wey baxsadaan marka ay ciidamada amniga ka warhelaan dhagarta kooxaha Argagixisada”ayuu yiri Cabdikaamil.
Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay socoto baaris ku aadan sidii loo ogaan lahaa raggii watay gaarigaasi.
13639830_845654655569289_1125245768_o13709637_845654678902620_950911434_o13709750_845654828902605_1319383953_o1111113713362_845654708902617_893188621_n
La Soco Wixii ku soo kordha.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...