Wednesday 13 July 2016

Hay’adaha dowladda faderaalka oo xarumo ka dhisanaya Kismaayo


xarumaha-federaalka-ee-cusub
Kismaayo (RBC Radio) Madaxweynaha Jubbaland,Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya ku wareejiyay dhul loogu tala-galay hay’adaha dowladda inay xarumo ka dhistaan.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda,Maxamed Cumar Carte (Qaalib) ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay Talaadadii shalay dhulka ay Jubbaland  si gaar ah ugu asteysey dawladda federaalka si halkaasi looga dhiso dhismayaal ay ku shaqeeyaan laamaha dawladda federaal.
Madaxweynaha Jubbaland,Axmed Madoobe oo hadal jeediyay waxuu sheegaay in ay muhiim tahay maaddamaa dawladda federaalka ay ka taliso dalka oo dhan marka ay Kismaayo yimaadaan mas’uuliyiinta federaalka inay helaan meelo iyo xafiisyo ay ku shaqeeyaan.
Dhismayaashani ayaa waxaa ka hawlgali kara dhammaan guddiyada, wasaaradaha iyo waliba guddiyada baarlamaanka.
Madaxweyne Axmed waxa uu qabaa xitaa in madaxweynaha federaalka iyo guddiyada baarlamaanka ay Kismaayo ku shaqayn karaan marka ay shaqada ku badantahay, doonayaane in ay kasoo fogaadaan saxmadda badan ee Xamar.
Dowladda dhexe waa markii ugu horreysay oo ay dhul ballaaran ka helayso meel ka baxsan Muqdisho si ay ugu shaqeeyaan,waxaana daah-furay qorshaha madaxweynaha Jubbaland.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...