Wednesday 13 July 2016

Hoggaamiyaha cusub ee Al-Shabaab oo cajal uu soo duubay kaga hadlay arrimaha Soomaaliya


2016713636039677649362245Ahmed-Diriye_660
Muqdisho (RBC Radio) Hoggaamiyaha cusub ee ururka al-Shabaab,, Axmed Diiriye oo al-Shabaab ay u taqaanno, Sheekh Cumar Abuu-cudbeyd ayaa markii ugu horreeysay soo duubay cajal uu uga hadlay arrimaha Soomaaliya,Waxuu marka ku eedeyay ciidamada nabad-sugidda u jooga Soomaaliya ee AMISOM inay dalka qaab awood ah ku haystaan.
Cajalad maqal ah oo soconaysay 44-daqiiqo oo uu soo duubay hoggaamiyaha al-Shabaab, ayuu ku sheegay in ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ay shacabka kula kacaan falal ka baxan bani’aadamnimada sida kufsi.
“Soomaaliya waxay gacanta ugu jirtaa soo-duulayaal kirishtaan ah… Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaana khiyaanay Soomaaliya oo AMISOM ku soo daray ciidamada Itoobiya, si ay u boobaan Khayraadka dalka,” ayuu ku yiri hoggaamiyaha al-Shabaab hadalkiisa.
Axmed Diiriye waxuu inta ku daray in xukuumadda Itoobiya ay xilligan maamusho ummadda Soomaaliyeed, xarunta madaxtooyada ee Muqdishana uu ka taliyo safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiriye.
Hoggaamiyaha al-Shabaab oo la maqlayo markii ugu horreysay arrimaha Soomaaliya isagoo ka hadlaya,waxaa kalo uu ku eedeyay dowladda Turkiga inay hortaagan tahay nabad ka dhalata Soomaaliya,Waxuuna marka sheegay in qorshaha Turkiga uu yahay mid uu ku doonayo inuu ku dhaco khayraadka Soomaaliya.
“Turkigu wuxuu boobayaa khayraadka Soomaaliya, in ka badan intuu caawinayo,”ayuu Axmed Diiriye ku eedeeyay xukuumadda Ankara oo ka taageerta dowladda Soomaaliya dhinaca dib u dhiska iyo dhaqaalaha.
Waxuu ka soo horjeestay hoggaamiyaha al-Shabaab wax uu ku sheegay nifaamyada lagu magacaabay federaalka ee dalka laga hir-gelinayo,isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay iyaguna ka horyimaadaan nidaamkaas.
“Fariintayda koowaad ee aan shacabka Soomaaliyeed u dirayo waa inay ogaadaan in waddankoodii la haysto, lana xasuuqayo ubad iyo maatiba, waxa la boobayana ay tahay khayraadkoodii, waxa ciidamada Somalia ku soo duulay ay doonayaan inaad is-dhiibtaan oo aad gun noqotaan, kaddibna wixii la doono la idin ku fuliyo. Marka yaan magacyada qurxoon la idinku qaldin, waadna inaad ka qayb-qaadataan dadaallada lagu difaacayo dalka iyo diinta Islaamka,” ayuu yiri Amiirka al-Shabaab.
Hoggaamiyaha al-Shabaab Abuu-cubeyda, ayaa xilkaan loo magacaabay dhammaadkii Sannadkii 2014-kii markaasoo duqeyn diyaaradeed uu Mareykanku ku dilay Axmed Cabdi Godane (Sh. Mukhtaar Abu-zubeyr) oo ahaa hoggaamiyihii hore ee ururka.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...