Wednesday 13 July 2016

Qodobada Ka soo Baxay Shirka Kismaayo Ee Siyaasadda Amniga Qaran+Sawirro


 
412
 
0
SHARE 
Muqdisho,(SONNA):-War-Saxaafadeed:-Kulankii Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Jubbaland, ee Wadatashiga Siyaasada Amniga Qaran
12kii July, 2016
Qodobada Gundhiga u ah shirku waxay ahaayeen
Kadib markii la dhagaystay, qudbadii Ra’isalwasaare ku xigeenka ee guudmarka Siyaasada Amniga Qaranka (NSP), ee lagu ansixiyay, Kulankii Madasha Hoggamiyayaasha Qaranka Soomaliyeed, Mogadishu, Bishii June 2016.
Marka la dhagaystay, dardaarankii Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka Jubbaland, Muddane Ahmad Mohamed Islam, ee uu ku muujiyay, muhimada ay Siyaasada Amniga Qaranku (NSP) u leedahay dalka iyo dadka Soomaliyeed;
Markii loo kuurgalay, qaabka wadashaqaynta iyo taakulaynta ciidanka Amaanka xeebaha badaha Soomaliyeed ee Heer Federaal iyo Heer Goboleed, iyo laysla afgarto, wasaarada masuulka ka haan lahayd, Hoggaminta Amniga Xeebaha Badaha Soomaliyeed iyo hawlgalinteeda.
Waxaa kale oo la falanqeeyay, muhimada iyo masuuliyada dhinacyada, Cabirka Xeebaha badaha Soomaliyeed ee heer gobol iyo heer Federaal iyo waliba Magaca loogu yeedhi lahaa Amniga Xeebaha, sida, Booliska Xeebaha (Maritime police) ama Ilaalinta Xeebaha (Coast Guard).
Waxaa kale oo laga wada xaajooday, habkii loo dhaqan galin lahaa, qaab-dhismeedka cusub ee Ciidanka Booliska Soomaliyeed ee lagu ansixiyay, shirkii madasha hoggamiyayaasha qaranka Soomaliyeed, Baydhabo, bishii June 24kii, 2016.
Iyada oo la tixgalinayo, qaab-dhismeedka Ciidanka Qaranka ee Xogga dalka Soomaliyeed, inkasta oo laysku raacay, inuu yahay heer Federaal, waxaa muhiim ah inay jirto qaabka wadashaqaynta dawladaha xubnaha ka ah dawlada federaalka.
Waxaa guddigii farsamada ee loo xilsaaray, isku raaceen:
Qaabka wadashaqaynta iyo taakulaynta ciidanka Amaanka xeebaha badaha Soomaliyeed ee Heer Federaal iyo Heer Goboleed,ayaa laysla afgartay in Hoggaminta Amniga Xeebaha Badaha Soomaliyeed iyo hawlgalinteeda wasaarada masuulka ka ah.
Waxaa kale oo laysla afgartay, muhimada Cabirka Xeebaha badaha Soomaliyeed ee heer gobol iyo heer Federaal iyo waliba Magaca koogu yeedhi lahaa Amniga Xeebaha, oo ah Booliska illalinta Xeebaha badaha Soomaliyeed (Maritime police) .
Magacaabista Xubnaha joogtada ah (Focal point), ee dawlad goboleedka jubbaland uga qayb galaya, kulamada Amniga qaranka iyo Amniga xeebaha badaha Soomaliyeed (Mscc).
Waxaa guddiga farsamada ee dawlad goboleedku soo jeediyeen 7da qodob oo xoojinaya Siyaasada Amniga qaranka (NSP).
585dc174-da18-497b-95a7-d6ad8473ef23bf3440c4-4127-4818-985a-5980b10fa7dbc8876796-d953-45f5-b39f-18da33dccc07

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...