Monday 15 August 2016

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay gaari u lahaa madaxii al-Shabaab u qaabilsanaa dilalka ka dhaca Gaalkacyo


4
Gaalkacyo (RBC Radio) Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa ammaanka Puntland ayaa maanta soo bandhigay gaari la sheegay inuu lahaa sarkaalkii u qaabilsanaa ururka al-Shabaab weerarrada iyo dilalka ka dhaca xarunta gobolka Mudug.
Gaarigaan ayaa leh labo Kaariko oo kala ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland,waxaana la xaqiijiyay loo adeegsan jiray dilalkii laga fuliyay Magaalada Gaalkacyo.
Madaxa al-Shabaab ee dilalka magaalada Gaalkacyo ayaa magaciisa loo soo gaabiyay, Nuur Deeq waxaana la xaqiijiyay inuu leeyahay Gurigii lagu qabtay ninkii u dhashay dalka Suudaan.
2
Gaariga oo noociisu yahay Laanguruusal ayaa lagu soo qabtay Koonfurta magaalada Gaalkacyo,waxaana la sheegay inuu Gaalkacyo ka baxsaday Nuur Deeq oo lagu raad joogo.
Sikastaba ha ahaatee, Ciidamada PSF iyo DANAB ayaa sheegay iney wadayaan howl-galada iyo baaritaanada.
Waa markii ugu horreysay oo howlgallo la xiriirana la-dagaallanka al-Shabaab ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda dhexe iyo kuwa dowlad gobolleedka Puntland.
1
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...