Thursday 11 August 2016

Dowladda Itoobiya oo deeq gargaar ah geysay magaalada Baladweyne-(Sawirro)


 
55
 
0
SHARE 
B/weyne-(SONNA)-Dowladda Itoobiya ayaa maanta deeq raasiin iyo dawo ah guddoonsiisay maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada,mucaawinadaasoo loogu tala galay dadkii ay dhawaan saameynta ku yeesheen fatahaadihii ka dhacay magaalda B/weyne.

Ku xigeenka Safiirka Itoobiya u jooga dalkeenna Soomaaliya Jamaaludiin Mustafa Cumar, ayaa deeqdan si toosa ugu wareejiay gacanta duqa magaalada B/weyne Duqa Dagmada Baladweyne Cumar Aadan Deeqoow Cumar (Baaddiyoow) wuxuuna sheegay inay ujeeddada deeqdani tahay caawinta dadka tabaalaysan.

Duqa degmada Baladweyne Cumar baadiyoow,ayaa Ka mahad Celiyay Kaalmada Raashiinka ah iyo dawooyinka ay dowladda Itoobiya ugu deeqday dadka reer Hiiraan, isagoo ballan qaaday inay ka maamul ahaan si wenaagsan u gaarsiin doonaan dadkii loogu talo galay.

Qaar kamid ah duubabka dhaqanka oo halkaasi ku sugnaa ayaa saraakiisha ciidanka Itoobiya waxay kala hadleen sidii dadka shacabka ah ee tabaalaysan loo caawin lahaa inta ay awooddo dowladdooda.

Ugaas Xasan Ugaas khaliif, oo goobta ku sugnaa ayaa ballan qaaday iney si simman u gaarsiin doonaan dadkii loogu tala galay deeqdan,markii ay saraakiisha Amisom ee ka socda dalka Itoobiya ka sodsadeen iney madax dhaqameedyadu kaalin ka qaataan caawinka dadka tabaalaysan ee mucaawinadan loo keenay.

Deeqdaan ayaa imaanaysa xilli ay in badan oo ka mid ah dadka ku dhaqan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne weli ka muuqato waxyeelladii ka soo gaadhay fatahaad,abaar iyo cudurro halkaasi ka dillaacay, kuwaasoo aan helin gargaarkii loo baahnaa.
By Ibraahim Muxumad Geeddi/B/weyne.
SONNA/News
54321

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...