Friday 12 August 2016

Guddoomiye waaxeed lagu dilay Muqdisho


 
157
 
0
SHARE 
Muqdisho-(SONNA)-Kooxo hubeysan ayaa maanta toogasho ku dilay Allaha u naxariistee Ilyaas C/laahi Sheekh, oo ahaa guddoomiyaha waaxda Afaraad “Calasoow dheere” demada Shibbis ee Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay, in Guddoomiyaha ay kooxo hubeysan toogteen kadib markii uu maanta kaasoo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Jimcaha.
Xalane, ayaa waxa uu intaa ku daray inay baxsadeen dablaydii falka geysatay,ciidamada ammaankuna ay ku raadjoogaan dhagarqabayaashii falkan geystay.
Kooxaha dambi baarayaasha laamaha Ammaanka ayaa goobta gaaray, si loo ogaado sababaha ka dambeeyay dilka marxuub Ilyaas Cabdullaahi Sheekh.
Ilyaas, ayaa kamid ahaa guddoomiye waaxeedyada ugu furfircoonaa degmada Shibis ee Gobalka Banaadir.
SONNA/News

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...