Saturday 13 August 2016

Horjooge muhiim u ahaa Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Hiiraan


 
437
 
0
SHARE 
Hiiraan (SONNA)-Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dagaal ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ay ku dileen Cabdi Aadan oo ahaa Horjoogaha Howlgalada Al-shabaab, kaasi oo ku lug lahaa falal lagu dhibaateeyey dad Soomaaliyeed.
Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amiga iyo siyaasada ee maamulka gobolka Hiiraan Maxamed Ibraahim Cabdullahi ayaa SONNA u sheegay in horjoogahaasi lagu dilay dagaal ka dhacay duleedka Baladweyne, islamarkaan maleeshiyaadka Al-shabaab si gaar ah uu ugu qaabilsanaa dhinaca howlgalada.
Waxa uu tilmaamay in Horjooge Cabdi Aadan uu dhawaan duleedka magaalada Baladweyne ku gowracay nabadoon si weyn looga yaqaanay gobolka Hiiraan.
Horjooge Cabdi Aadan ayaa horey u geystay falal badan oo lagu dhibaateeyey dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.
Ibraahim Maxamed Geedi

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...