Saturday 13 August 2016

Maamulka Somaliland oo ka hadlay halka uu marayo Wadahadalkii u dhaxeeyey Somaliland iyo Cali Khaliif Galeyr


Wasiirka-Warfaafinta-CadaaniHargeysa(RBC Radio) Wasiirka Warfaafinta ee Somaliland Cismaan Cabdullaahi Saxardiid ayaa mar kale ka hadlay Wadahadaladii u dhaxeeyey Somaliland iyo Madaxweynaha Khaatumo Cali Khaliif Galeyr.
Cismaan Cabdullaahi Saxardiid oo u waramay BBC-da ayaa sheegay in Wadahadaladu marayaan meel wanaagsan isla markaana Ujeedka Wadahadalku yahay sidii Cali Khaliif Iyo Saaxiibadii uga mid noqon lahaayeen Somaliland.
Waxa uu sheegay iney sidoo kale uga gol-leeyihiin Wadahadalka sidii Cali Khaliif Galeyr iyo Saaxiibadii u aamin lahaayeen Somaliland isla markaana ugu soo biiri lahaayeen.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa sheegay in Wadahadalada kadib ay Beesha Dhulbahante u qabanayaan Shirweyne ballaaran kaasoo uu horay u Iclaamiyey Madaxweynaha Somaliland kana soo qeybagalayaan Garaadada Beesha Dhulbahante.
Madaxweynaha Khaatumo Dr Cali Khaliif Galeyr oo maalmo ka hor waraysi uu bixiyey aan meesha ka saarin in uu kamid noqon karo maamulka Somaliland.
Maamulka Somaliland iyo Dr Cali Khaliif Galeyr ayaa wadahadalkoodu ka bilowday degmada Caynabo ee gobolka Sool iyadoona Somaliland u xilsaaratay Ergooyin isugu jira Wasiiro iyo Odey dhaqameedyo.
_______


    RBC Radio
    Hargeysa

    No comments:

    Why cows may be hiding something but AI can spot it

      By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...