Sunday 14 August 2016

Madaxweyne Gaas oo wax ka badalaya golaha wasiirrada


gaasGaalkacyo (RBC Radio) Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilalka ka qaadaya qaar ka mid ah wasiirrada ay aadka isugu dhow-yihiin,sida ay oggaatay Raxanreeb.
Waxa ugu weyn ee u madaxweynuhu sidan u sameynayo,waxaa lugu sheegay sidii xubnaha ku jira xukuumadda ee ay isku dhow-yihiin uga soo muuqan lahaayeen aqalka sarre ee baarlamaanka Soomaaliya.
“Madaxweynaha waxuu ku jira la-tashiyadii ugu dambeyay,”ayuu yiri sarkaal dowladda ka tirsan oo la hadlay Raxanreeb. “Wasiirrada la badalayo,way dhici karta qaarkood inay ka mid noqdaan aqalka sarre ee baarlamaanka,”ayuu raaciyay.
Isbadalka ka dhacaya dhawaan Soomaaliya ayuu doonaya madaxweynaha inay ka soo muuqdan siyaasiyinta Puntland,walow dadaalkan uu kala mid-yahay gobollada kale ee dalka.
Lama ogga xilliga uu madaxweynaha sameynayo wax ka badalka xukuumadda,waxaase wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan la-tashiyada madaxweynaha ee ku aadan isbadalka xukuumadda inuu gabo-gabo marayo.
Horay ayaa madaxweynuhu wax uga badalay golaha wasiirada oo u xilka ka qaaday marka wasiirro miisan ku lahaa xukuumaddii uu madaxweyne Gaas soo dhisay 2014 oo ahayd xilligii uu doorashada ku guuleystay.
Puntland ayaa xubno ka badan maamullada kale ku yeelanaysa aqalka sarre oo markii ugu horreysay sanadkan lugu soo kordhinayo dalka,inkasto maamullada kale qaarkood ay diidan-yihiin xubnaha dheeradka ah ee Puntland yeelanayso.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...