Friday 12 August 2016

Raiisal Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Cumar Carte oo Diidan qodobo kamid ah Heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran


carteMuqdisho(RBC Radio) Raiisal Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa ka biiday qodobo kamid ah heshiiskii lagu gaaray Muqdisho ee Madasha Wadatashiga Qaran.
Raiisal Wasaare kuxigeenka ayaa diiday qodobo la xiriira saami-qeybsiga kuraasta aqalka sare ee xubnaha maamulka Somaliland dibna loogu noqdo qodobada qaar.
Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in qodobada qaar ay gocosho ka qabaan qaabka loo qeybiyey gaar ahaana qaabka beelaha dega Somaliland taasina ay ahayd in iyaga loo daayo.
””’Aniga ka mid baan ahay Madasha, runtiina wax badan oo fiicana ayay soo qabteen mudadii ay jirtan, laakiin waxaa moodaa qodobka ugu darnaa ee gocashada badan ka jirta waa qaabkii loogu qeybiyay beelaha dega Somaliland, cid kasta iyadaa taqaan sida ay u qeybsanayaan, ayaga in loo daayo aheyd dadka deegaanka waa is yaqaanaan, dowlad goboleedyadaba iyada qudhooda cid looma qoondeyn, marka waa in saami qeybsiga dib loogu noqdo””ayuu yiri
Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho ayaa la isku raaxay in Somaliland laga jaro lana siiyo beelaha Sool,Sanaag Bari iyo Buuhoodle taasoo macnaheedu yahay in Puntland loogu daray saddex xubnood 11-kii xubnood ee ay heysatay aqalka sare.
Maamulka Somaliland ayaa mar danbe  laba xubnood loogu daray  xubnaha aqalka sare taasoo noqoneysa 10 xubnood iney ku yeeshaan aqalka sare.
____________
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...