Thursday 11 August 2016

Shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo loo weecinayo Muqdisho


villaMuqdisho (RBC Radio) Warar soo baxaya ayaa sheegaya in meel gabo-gabo ah uu ku dhow-yahay qorshe lugu doonayo shirka lugu dhisamayo maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe in loo soo weeciyo magaalada Muqdisho.
Gogosha lugu dhisayo maamulka oo taallay muddo sanad ku dhow magaalada Jowhar ayaa hadda si loo dadajiyo,waxaa la sheegay in loo soo rarayo magaalada Muqdisho.
Waxa ugu weyne ee laga doonayo qorshahan ayaa ah in lugu qanciyo beelaha Hiiraan oo qaarkood diidan dhismaha maamulka iyo shirka lugu dhisayo in lugu qabto Muqdisho,walow aan la saadalin karin sida ay ku aqbali karan qorshahan cusub beelaha degga gobolka Hiiraan.
Urur gobolleedka IGAD oo waqti badan ku bixiyay dhismaha maamulka ayaa soo jeediyay tallooyin ay ka mid tahay in shirka loo soo weeciyo caasimadda Muqdisho si ay suragal u noqoto beelaha ka maqan qaarkood in ay soo jeedato,kuwaado diidan gogosha taalla magaalada Jowhar.
Sida ay oggaatay Raxanreeb,maalmaha ina soo aadan ayaa la filaya in magaalada Muqdisho ay soo gaaran ergada soo dhiseysa maamulka oo matalaya labada gobol.
Waxaa la sheegay inuusan waxba ka duwanaan doonin dhismaha maamulkan,habkii loo soo dhisay maamullada kale ee dalka,waxaana uu la mid noqon doona maamulka Koofur-galbeed oo ergooyin la xareeyay ay doorteen madaxweyne Shariif Xasan.
Ugu dambeyntii,waxaan la oggaan karin sida uu qorshahan cusub usoo jeediyo beelaha diidan dhismaha maamulka gaar ahaana beelaha deggan gobolka Hiiraan.
__
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...