Thursday 11 August 2016

Soomaaliya iyo itoobiya oo ka wada hadlay ammaanka gobolka


 
281
 
0
SHARE 
Jigjiga-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka  Soomaaliya,mudane; Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’aysulwasaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn,ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka geeska Afrika, gaar ahaan sidii loo laba jibbaari lahaa doorka ay labada dowladood ku leeyihiin la dagaallanka argagixisada.
Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday kaalinta ay dowladda Itoobiya ku yeelan karto arrimaha doorashooyinka Soomaaliya oo dhawaan la filayo iney dalka ka qabsoomaan iyo doorka ay ka ciyaari karto intuba.
Madaxweyne xasan iyo wefdiga uu hoggaaminayo oo shalay gaaray magaalada Jig-jiga, ayaa sidoo kale kulamo la qaatay madaxda Killilka shanaad ee ay Soomaalidu degto,iyagoo sidoo kale isla jeex-jeexay adkaynta nabad gelyada iyo sidii isku meel loogu soo wada jeesan lahaa kooxaha Argagixisada.
SONNA/News

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...