Monday 8 August 2011

Ethiopia: Kutubtii Shiicada oo Lagu Dhexfaafiyay Magaalada Jigjiga iyo Culimadii Deegaanka oo Digniino Culus Kabixiyay


08/08/00
Format for printing    
8 August 2011
Jigjiga (Kilil5)---Sidii wararkayagii todobaadkii lasoodhaafay aad kalasocoteen waxaa jirtay inaanu soogalinay qoraal kusaabsanaa arday lagu tababaraayo maca-had kuyaala magaalada Harar oo looyaqaan Axbash, kaas oolagu baro mad-habta Shiicada. Waxaanu sidookale kawaranay inay jiraan dhalinyaro badan oo hore tababaro uga sooqaatay macadkaas oo khal-khalbadan ku abuuray diintii khilaafyo badana ka dhexwaday magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka iyo meelokale. Waxaa maanta soo if baxay kitaab uu qoray sheekhan magaciisa layidhaa Shaykh Abdullah Al-Harari oo ah ninkii aas aasay macadkan Axbash kaas oo umadii kunoolayd magaalada jigjiga maanta ku abuuray khalkhal aad ubadan. Kitaabkan ayaa ah mid diinta Islaamka meel kaga dhacaayo asxaabtii (RC) Rasuulkana (SCW) qaar kood gaar ahaan asxaabtii waawaynaydna ku tilmaamay qaar dambiilayaal ahaa. Kitaabkan ayaa xalay iyo maantaba dhamaan masaajida laga sheegay walina ay socotaa digniintiisa Islaamka looga digaayo iyo waliba raga dhalinyarada ah ee lagu dhex faafiyay deegaanka ee hawshan wada kuwaas oo qaarkood aanu aragnay.
Kitaabkan ayaa magaciisa layidhaa “ Atacaawanu Cala Nahyi Canil Munkar” ayuu sheekhani qoray loona soodhiibay dhalinyaradii aan hore usoosheegnay in lagu soo tababaray macadkan. Asxaabta ceebaha iyo dambiilayaasha uu ku tilmaamayo buugan waxaa kamida oo ay culumada deegaanku ka hor akhriyeen dadka:
1.Caa’isha Binti Abiibakar (RC), Xaaskii Rasuulka (SC)
2.Mucaawiya Inbu Sufyaan (RC)
3.Dalxa Binu Cubaydilaah (RC) oo kamida 10 Janada loogu bishaareeyay
4.Cabdiraxmaan Binu Cawf (RC) oo kamida 10 Janada loogu bishaareeyay
5.Zuber Binu Cawaam (RC) oo kamida 10 Janada loogu bishaareeyay iyo asxaabkale
Sidookale kitaabkan ayaa qoraaya in cayda Abubarka iyo Cumar Binu Khadaab (Radiyallaahu Canhum) iyo asxaabta kale ee waawayn in aysan ahayn kufri nimo, balse ay tahay “Faasiq” ama dambi aan waynayn. Sidookale kitaabkan ayaa qoraaya asxaabtii rasuulku aysan ka fadli badnayn dadka maanta jooga, culimaduna waxay soo daliishadeen xadiisyo kasugan rasuulka in asxaabtu ay inaga fadlibadnaayee oo ay kamid ahaayee xadiis macnihiisuyahay “ dadka ugu khayrka badani ay ahaayeen asxaabtii noolayd xiligii Rasuulka (SC), kadibna ay kusoo xigaan kuwa kuxiga, hadana kuwa kuxiga, hadana kuwa kuxiga”.
Waxaa jirta in akhristayaasha qaarkood ay naga codsadeen inaanu dhex dhexaad ka noqono arinkan kasaxaafad ahaan iyaga oo kutilmaamay in sheekhaas iyo macadkiisuba yahay Sunni iyo culimadeenii hore, balse kadib markii ay soo ifbexeen kitaabkan iyo dhalinyaradan wadata mad-habta shiicada ayaa waxaa qasab nagu noqotay inaan umada uga digno sida ay culumadu nafarayaan. Kitaabkan ayaa ladhigay goobaha wax lagu koobiyeeyo si dadku ay u arkaan loogana digtoonaado, sidookale culimada iyo masaajida ayaa lagu boorinayaa inay digniinta ay gaadhsiiyaan umada.
Hadii aad su’aalo ka qabtid kitaabkan fadlan raadsada kitaabkan, waxaanuna isku dayidoonaa hadii ay noosuurogasho inaan soogalino halkan kitaabkaas. Sidookale fikrada sheekhan iyo dadka raacsan waxaad ka heli kartaa website yadan soosocda:
http://www.shaykhabdullah.com/
http://www.marifah.net/
Qoraalada kuqoran websitekan ay maamulaan dadka sheekhan taabacsan waxaa kamida oon halkan kusooqaadanaynaa qoraalada soosocda si aan akhristayaasha ugu fudaydino booqashada websiteyadan.
We [as in muslims] do not ask Allah to be pleased with Muawiyah's sin.
 Muawiyah was NOT a Mujtahid, Aliyy Radiallahu Anho WAS, its impossiable that muawiyah had incorrect ijtihad, muwaiyah was not a scholar or Mujtahid. Because you are a companion does not automaticly make it valid for you to give ijtihad.
Its very simple, Muawiyah comited an major sin, that got over 20,000 muslims killed. You do not go around asking Allah to be pleased with such a major sin.
Shamso Cumar
Jigjiga, Kilil5

xarakada axbaash

#26141 On Mon, 2011 08 08 18:57 Axmed xuseen (not verified) said,
jigjiga iyo deegaanka hada ka hor kama jirin madhab shiica ah laakiin wax walba wey dhicikaraa maxaa yeelay miisaal hadaan soo qaato wahaabigu 30 sano ka hor kama jirin geeska afrika maantana boqolkiiba lixdan wey gaadhayaan.dariiqa dariiqado waa wax soo jireen ahaa ee ma aha wax cusub laakiin waxaa wax layaab leh ah in la caayo asxaabtii rasuulka iyo xaaskiisii salalaahu caleyhi wasalame.axbaashtu wadamada yurub wey ka jirtaa masaajido gaar ahna wey ku leeyihiin dadku ikhtiyaar bey leeyihiin ninkii raacaya iyo ninkii diidayaba waa xor.
jigjiga iyo deegaanka hada kahor lagama aqoonin marka in lalayaabo waa gar ama ay culumada shaaficiga ay ka digaan muhiimadu waxaa weeyaan dastuurka deegaanka u yaala ma ogolyahay mise ma ogola baarlamaanka deegaanku ma ka dalikaraa oo g,aamo ma ka soosaari karaa?
sharciga dowlada fadaraalku ma ogolyahay in shakhsikasta uu qaadankaro diinta uu rabo ama madhabta uu rabo ama dariiqada uu doonayo?aakhoro ayey xisaabi jirtaa ee yaa dadka ukalawarama waxba ismayeeleen haday hagaagsanyihiin.
anigu shiico ma ihi soomaalina wali ma arkin nin shiico ah jigjigana in la geeyo ilama hagaagsana hadana ma fiicna in nimakaas la caayo ama la xidh xidho ama la waxyeeleeyo waayo aduunka wey joogaan carabaha iyo yuruba shakhsiga raacaya isaga ayey utaalaa.
waad mahadsantihiin

umadii gaajo ayeey u dhimaneeysaa

#26138 On Mon, 2011 08 08 11:51 Anonymous (not verified) said,
Waxaa la yaab ah in malaayiin dad aay gaajo u dhamaanaayaan , idinkana aad ku mashquulsan thiin hebelbaa shiica ah iyo hebel ayaa sunno ah , Midda kale fidno ayaad abuuteeysaan , arrimahan oo kale waxaa laga yaabaa waxaan aad qoraaysaan in aay dad ku dhintaan waxaan idin dhihi lahaa waxaan idinkaga baranay warbixin run ah iyo mustaqbal ka hadal ee dadka muslimka ah ha isku dirina

walaal waxaan aad ufaraxay

#26134 On Mon, 2011 08 08 09:42 Anonymous (not verified) said,
walaal waxaan aad ufaraxay sida aad muhiimada u siinasiin arintan khatarta ah waana waajib saaran qof kastoo damiir leh dhex-dhexaadna lag'manoqonkaro!!!

Dicaayadda raqiis ah

#26142 On Mon, 2011 08 08 19:36 Maxamoud yasin (not verified) said,
Waxa wax lala yaabo ah in qof wariye ah uu iska qoro wax uunan hubin oo uu maqlay Qolodan ALAXBASH loo yaqaano waa dad ahlu sunno ah Asxaabtana waxba kama sheegaan ee way daafacaan, ee waa Suufiyiintii wadanka haysan jirtay oo wahaabiyada fikirkooda la dagaalamaya ee isku noqda oo ha maqlina waxa Ittixaadku faafinayo ee soo arka
Kitaabka ay gabadhu sheegtay hasheegto bogga ay ku qorantahay aflagaadada asxaabla loo geystay ee ay sheegtay waan hayaa kitaabka waana kitaab aad u qiimo badan

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...